Page 1 of 1

Please help this girl who is desperadely seeking help from..

Posted: Fri Nov 18, 2005 2:55 pm
by muslim-man
she is desperadely asking for your help. she lives in sanca yemen. for more details browse the link below. http://www.somaliatalk.com/2005/oct/4d2005.html .


or read here

"Waxaan Codsanayaa Caawino Soomaalinimo" Nimco Cusmaan Sabriye


Waxaan ka Murugaysanhay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee Cudurada halista ah ku habsadeen oo kusoo badanayey waayadaan shabakadaha, gaar ahaana mida hada na hortaala ee Nicmo Cusmaan Sabri.

Waxaa marti inoo ahayd oo shalay inoo bilaabatay Bishii Barakaysneed ee Ramadaan, maantana waxaa inoo soo martiday gabar Soomaaliyeed oo ka fursan wayday inay nala qaybsato dhibaatada haysata, Nimco Cumaan Sabri waa gabar Soomaaliyeed oo Soomali kacodsanaysa inay ka caawiyaan Xanuun wadnaha ka haya oo ay u baahan tahay dhakhtar caalami ah, iyo daawayn aysan ku haysan meesha ay hada ku nooshahay ee dalka Yemen.

Waxaa hubaala sida Soomaalida lagu yaqaan qofkii heli kara si uu dhibkiisa ku xaliyo ha noqoto ehel u maqan ama qabiil guudba inuu ka sariigto inuu Soomaaliwayn soo dhex dhigo dhibkiisa, balkawarama Nimco iyadoo gabara haday soo raacisay Sawirkeeda iyo Cadaymihii dhakhtarka si ay ugu xoojiso codsigeeda nooga waranto dhibaatada nolosheeda halista ku ah, taas waxay noo caday naysaa in Nimco ay san haysan cid aan inaga ahayn, hadaba miyeysan haboonayn inaan Caawino Nimco inagoo ka faa'iidaysanayna Bishaan Ramadaan oo sida ay bilaha uga duwan tahay khayrkii lagaystaana uga duwan yahay bilaha kale?, dabcan haa anagoo ku hadlayna magaca Soomaalida, hadaan nahay Bahda Somalitalk anaga waxaan idin ka codsanaynaa inaan caawino Nimco si kasta oo suura gala aadna noo soo gudbisaan akhbaarta cidii ku guulaysata inay ajiibto codsiga nimco, anana waxaan balan qaadaynaa inaan baahin doono insha allaah, hada nala arag hadaladii Nimco.
--------------------------------------------------------------------------------


Nimco Cusmaan Sabriye
Telefoon: 00967-1-324491
E-mail: naemoosman@yahoo.com
Sanca, Yemen


--------------------------------------------------------------------------------

Asalaamu calaykum ku socota walaaladayda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxa aan idinka codsanayaa in laycaawiyo oo layga caawiyo sidii aan uheli lahaa isbitaalada wadnaha qala iyo dhakaatiirta aqoonta khibradeed u leh qalista wadnaha.

Waxa aan ahay gabar Soomaliyeed oo kamid ah qaxootiga Somaliyeed ee Yemen jooga waxa la iyiraahdaa Nimco Cusmaan Sabriye 27jir,card qaxoontiga lambarkiisu yahay 2545 kasoo baxay xafiiska UCHCR ee Yemen, waxa aan kudhashay anigoo wadnaha dalool kuleh waxa aan jiraday muddo laba sano kahor ah markii laybaaray ayaa layga heley dalool kuyaal wadnaha gudahiisa waxa ay dhakhaatiirtu igu yiraahdeen waxa aad ubaahan tahay in laguu sameeyo qalitaan wadnaha gudihiisa ah, wadnaha ayaa lajeexayaa siloo xiro daloolkaas kuyaal wadnaha gudahiisa.

Waxa ay dhakaatiirtu igu dhaheen waxa aan kugulatalinaynaa ama aad ubaahantahay in aad heshid isbitaal ugaar ah wadnaha qalitaankiisa oo haysta qalabka qalista casriga ah iyo dhakhaatiirtu khibrad uleh qalitaanka wadnaha.

Wadankan aan joogno ee Yemen waa wadan faqiir ah oo aad uga liita Isbitaalada gaar ahaan qalista wadnaha. Dawlada Yemen waxba kuma cawiso qaxoontiga, waxa aan mudo laba sano ah udacwoonayey xafiiska UNHCR-ta ee kuyaal Yemen oo aan kacodsanaayey in ay iiga caawiyaan sidii aan u heli lahaa isbitaalada ugaarka ah wadnaha, ashtakooyin badan ayaan ugud biyey UNHCR-ta Yemen lakiin waxba wey iiqaban waayeen.

Waxa aan ashtako udiray xafiiska UNHCRT-ta ee kuyaal Geneva waxa aan ka codsanayey in layqaado bananka Yemen oo lay gudbiyo wadan leh isbitaal wadnaha qalitaankiisa khibrad uleh ,lakin xafiiska UNHCRT-ta ee kuyaal Yemen waa iga diiday waxa ay igu iraahdeen waxa aan kaa bixinaynaa qarashka Isbitaalka iyo qalista lacagteeda hadii aad rabtid in aad isku qasho Yemen ,waxa ay igu iraahdeen hadii aan nahay xafiiska unhcr makuu qaadi karno debedaha yemen.

Waxa jiray dad hore oo jiran uu xafiiska UNHCRT-ta uqaaday Isbitaalo kuyaal yurub ,kadibna ay dadkii ay iskaga yaceen Isbitaaladii oo qofna soo noqon wayey sidaa daraadeed qofdanbe uma qaadi karno Isbitaalada kuyaal debadaha Yemen, siwalba waan u baryey xafiiska UNHCRT-ta in ay arintayda ugudbiyaan Isbitaalada wadnaha ee kuyaal dawladaha kale laakiin waa iga diideen

Xaaladayda cafimaad maalinba maalinta kadanbaysa weysii xumaanaysaa, sidaa daradeed waxa aan ka cod sanayaa walaladayda Soomaaliyeed ee kunool qurbaha meelkasta ay joogan in ay icaawiyaan ,waxa aan idinka codsanayaa in arintayda loo gudbiyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee kunool debadaha ,ururada Soomaaliyeed waxa aan kacodsanayaa in ay igacaawiyaan sidii aan kuheli lahaa Isbitaal iisameeya qalista wadnaha waxa aan sigaar ah codsi uwediisanayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee kuyaala yurub iyo aduunka kaleba dadka somaliyeed ee leh websityada in ay sawirkayga iyo codsigayga in loo soobanaan dhigo bulshada somaliyeed si la ii caawiyo.

Waxa aan idinka codsanayaa in aad ii ogolataan website-ka oo aad arintayda loo bandhigo jaaliyadaha ama ururada Soomaalida ee kunool debadaha, waxa aan idinka codsanayaa in layraadiyo Isbitaal iisameeyo qalista aan ubaahanayhay, qofkii icaawiyo ilaahay haka abaal mariyo, waxa jira isbitaalo hadii loosheego arintayda ii ogolaanaya in ay iisameeyaan qalis lacag la'aan ah ,walalayaal magalooyinka aad degantihiin isbitaalada kuyaal iiraadiya jawaab ayaan idinka sugayaa hadii ilahay idmo,wabilaahi towfiq

Posted: Fri Nov 18, 2005 2:58 pm
by muslim-man
P.s one can contact her directly via the Email and the telephone number provided. thanks all.

Posted: Fri Nov 18, 2005 3:08 pm
by A=ME
i shoudl call her and make SHUKKANSI TO HER INIT >>>>>>>>>>>>..


DAMN LAKIN SHE GET DALOOL IN HER WADNBO


SERIOUSLY MY ALLAH HELP HER
ILAHAY HA CAAWIYE
MASKIIN I FEEL FOR HER
Confused

Posted: Fri Nov 18, 2005 3:14 pm
by Basra-
yikes. She Fugggllllyyyyy!



Shocked Shocked Shocked

Posted: Fri Nov 18, 2005 5:46 pm
by Xplosive
dee waa in tolkeeda lala xidhiidhaa.. They should be helpfull. I am sure inuu ugu yaraan hal qof uu debedaha u jiro.

Posted: Fri Nov 18, 2005 5:53 pm
by dhuusa_deer
Why not let the girl be as is and pray to Allah to save her. No doctor will touch her or even give her any medication. A world-wide message is put out asking all muslims of the world to pray for her.

If Allah can't heal her, that could mean any of the following: 1. he doesn't exists 2. isn't all that powerful 3. is not benevolent.

What y'all say?

Pray to Allah?