Dont worry AMERICA is keeping them on the bay.

Jilib bombardment yesterday
Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal Xalay duqeeyeen Degmada Jilib oo ay Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin.
Diyaaradaha Dagaalka ayaa duqeeyay Tuulada lagu Magacaabo Hargeysa yareey oo ku taala halka laga galo Degmada Jilib, markii dhanka Muqdisho laga yimaado.
Dhanka kale dadka degmadaasi ku dhaqan ayaa sheegay in Diyaaradaha duqeynta geystay ay Dhowr Gantaal ku dhufteen Saldhiga Shabaab ay ku leeyihiin halkaas,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraka Dhimasho iyo midka dhawac ee ka dhashay duqayntaasi.
Ma ahan markii horeysay oo ay halkaasi weeraraan diyaarado dagaal oo aan la aqoon, inkastoo ayt dadka deegaankaasi ay sheegaan inay diyaaradahaasi ay yihiin kuwo ay leeyihiin Dowladda Maraykanka.