“Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Sudan, kuwaas noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweynaynaa Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.