Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by AbdiWahab252 »

Aw-Raastle, can you share your analysis as to how an Ethiopian gets SL to arrest two Sudanese businessmen in Hargeisa? Followed by getting the SL police to torture and humiliate them all the while while the Ethiopian takes photos to exhort money from the Sudanese businessmen. The same Ethiopian circumvents the SL legal system by getting the Sudanese men to be deported to Ethiopia where they have not been heard from.

So Aw-Raastle how can an Ethiopian hold so much power in Hargeisa?

http://www.hiiraan.com/news/2016/aug/wa ... 107111.htm

Image


alaado, August 09, 2016 (HOL) — Nin Itoobiyaan ah ayaa soo Dacweeyay laba Ruux oo Ganacsato Suudaani ah oo ku nool magaaladda Hargeysa, ayaa loo gudbiyey dacwadoodii Itoobiya ka dib markii ninka Itoobiyaanka ahi ku dooday inuu lacag ku leeyahay.
Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi ( fallaag) oo ku jiray dacwadda labadda ganacsate ee Suudaan ayaa sheegay in ninka Itoobiyaanka ahi sheegtay inuu labaddan nin ku leeyahay lacag oo ay shuraako ku ahaayeen ganacsi ka dibna labadda Carabta ahi lacagtii aanu siin, sidaas darteed ciidanka amniga ka codsaday in loo xidho, isla markaana dacwadiisa loogu wareejiyo dalka Itoobiya.
Sidoo kale, Garyaqaankan ayaa xusay in sifo sharciga ka baxsan dacwadda labadda dhinac loogu gudbiyo dal kale, taasoo ka hor-imanaysa ayuu yiri sharciyadda wadanka.
Ninkan Itoobiyaan ah ee xidhay labadda nin ee Sudaaniga ah ayaa wakhtigiii askarti qabanayeen sawiro ka qaaday maxaabuustan ka dibna waalidkii dhalay labadda ganacsadde oo Masar jooga u diray si u madax furasho uga bixiyo lacag, isagoo fariimo u diray ah inuu gawrici doonno haddii aan lacag usoo dirin sidda waalidkii dhalay usoo sheegay garyaqaankii kiiskooda ku jiray.
Ninkan Itoobiya ah oo magaciisa la yidhaa Dinni oo ay garabsiinayeen Dad Soomaali ah ayaa dacweeyey labadan nin ee Reer Suudaan, taasina ay keentay in loo xidho, haseyeeshee maxkamadda degmadda Hargeysa dalbatay in dacwadda lagu haysto labadan nin loo soo gudbiyo iyadoo muddo shan cisho ah ku keenaan, haseyeeshee markii ay maxkamadda keeni kari waayeen dacwadii ay ku haysteen uu ninkii Itoobiyaanka ahaa dalbaday in Itoobiya loogu gudbiyo si halkaasi ay ugu soo kala baxaan, sidaas ay fuliyeen ciidanka amniga ee gacanta ku hayey sida uu noo sheegay garyaqaanka u doodayey labaddan nin ee Suudaaniga ah.
Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi ( fallaag) oo looyarka u doodayey oo kiiskanka warbixinahyey waxa uu yidhi "Ninka Itoobiyaan ah oo magaciisa la yidhaa Diini ayaa soo kaxaystay ciidanka Dambi baadhista waxaanu soo dacweeyey laba nin oo Suudaan ah oo ka ganacsadda xoolaha oo ku nool magaaladda Hargeysa, waxaanu ninka Itoobiyaanka ahi ku eedeeyey inuu lacag ku leeyahay labadan nin, waxaanu askar dul keenay labadan nin ee Carabta ah oo gurigoodda ku jooga, nasiib daro waxa wax lala yaabo ahaa in ninkani Itoobiyaan ahi uu sawirto raggii u xidhnaa oo uu sawiro ka qaado iyagoo gacmaha ka xidhan askartuna u ogolaadeen inuu sawirto oo guriga lagu soo dhex qabtay sawiro kaga qaaday, waxaanu sawiradii u diray Ragan xidhan aabahood oo jooga Masar waxaanu sheegay in inamadiisa isaga u afduuban yihiin oo uu xidhay, haddii uu doonayo in loo siidaayana uu lacag soo diro, ka dibna odaygii dhalay aniga ayuu ila soo xidhiidhay waxaanu yidhi sababta u dhacday in iyagoo xidhan la sawiro, markii shan cisho xidhnaayeen waxay maxkamaddu ka codsaday in la keeno cadaymaha wixii lagu haysto, waxay dalbadeen in shan cisho loogu daro, mar kale ayey hadana shan cisho dalbadeen, ilaa markii dambe uu ula talaabay Itoobiya."

Garyaqaanka oo ka hadlaya labaddan ganacsade waxay ka shaqayn jireen waxa uu yidhi "laba nin waa Sudani ah oo ka Ganacsato Xoolaha , kuwaas oo Somaliland sifo sharci ah ku joogay muddana ka dhoofin jiray Xolaha dekada Berbera. Isla markana Somaliland soo galin jiray cashuur aad u farobadan."
Garyaqaan Mubaarak oo sharaxaya siday wax u dhaceen, waxa uu yidhi "Waxa dhacday in labada nin ee Ganacsatada ah ee Reer Sudan ay guriga ugu tageen Saraakiil laanta baadhista Danbiyada oo u la socdo ninka Ethiopian ah, Gudoomiyaha Jaahliyada Ethiopia ee Hargeysa Mr Cali oo uu la socday nin ganacsade soomaali ah, waxa la qabqabtay waana la katinadeeyey labadii nin ee Reer Sudan waxaana nasiib darro dhacday in uu ninkii Ethiopian ka ahaa uu gacan dhaafay askartii xidhaysay oo uu bilaabay gacan ka hadal iyo boob uu boobay hantidii guriga taalay ee labada maxbuus, waxa uu qaatay computer lap top ah, 2 saddex mobil oo iphone ah, saacad , Baasboorkii ninka la yidhaa Bashaar. Iyadoo ay ahayd in hawsha la wareegan Ciidanka hawl galkan waday lana ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda eedaysaneyaasha oo ahaa niman marti u ah oo Somaliland calankeeda ku hoos jira."


Image
Waxaanu intaas ku daray "23./07/2016 Waxa la horgeeyey Maxkamadda Gobollka Hargeysa waxay eedaysaneyaashii waydiisay in uu lacag ku leeyey Mr Diina oo ah ninka Ethiopian ka ah. Waxay ku jawaabeen wax uu ninkaas nagu leeyey ma jirto, waxay maxkammaddii amartay in shan cisho lagu keeno cadayn uu ninka Ethiopian ka ah ku cadaysanaayo hantida ka maqan ee kaga maqan ganacsatada reer suudan arrintaas way jiitantay oo ila hada wax cadayn ah lama keenin ayey ula baxsadeen markii dambana Itoobiya"
Dhanka kale, Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. "Anigoo ah qareenka eedaysaneyaasha waxaa igu adkaatay in aan la kulno nimanka aan qareenka u ahaa, iyadoo ay waajib sharci tahay inaan la kulmmo goor kasta iyo goob kasta.
Waxaa kaloo dhacday in sawiradii laga qaaday eedaysaneyaasha loo diray waalidkood oo la yidhii waa kuwaas caruurtiini haddii aad lacag madax furasho keeni waydan waan gawracayaa, iyadoo ninka Ethiopian ah uu isticmaalay awood aanu lahayn , Waxa kale oo Ninka Ethiopian u diray fariimo dhammaan dadkii macaamilku ka dhexeeyey ee ay Xoolaha u diri jireen isagoo ku leh nimaanka aniga ayaa haysta lacag ayaan ku leeyey haddii la I siin waayo Ethiopian ayaa u qaadanayaa oo dib loo arki maayo"
Ugu dambeyn, Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi (fallaag) ayaa sheegay inuu isku dayey inuu ragaasi aan loo gudbin dawlad kale, maadaama oo dalka dhexdiisa kiiskooddu ku jiro,waxaanu sheegay in Ninkaasi Itoobiyaanka ahi awood dheeraad ah u isticmaalay labadan nin ee Suudaaniga ah ka dibna uu si juujuub ah ula talaabay wadankiisa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
MRnutritionist
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 546
Joined: Tue Oct 27, 2015 10:59 pm

Re: Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by MRnutritionist »

My friend you need to take a note The MASTER Tigre AND His SERVANTS

meanwhile your average Slanders harass the poor Oromo one of the naughty Tigre servants who flet from the Tigre ragime
https://www.youtube.com/watch?v=vFlZBrQPMek
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by SahanGalbeed »

AW
The same Ethiopian circumvents the SL legal system by getting the Sudanese men to be deported to Ethiopia where they have not been heard from.
That's not what happened
waxaanu sheegay in Ninkaasi Itoobiyaanka ahi awood dheeraad ah u isticmaalay labadan nin ee Suudaaniga ah ka dibna uu si juujuub ah ula talaabay wadankiisa.
One possible explanation :bribery .
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17681
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by theyuusuf143 »

Man No Xabashi civilian person have any kind of power or even basic human dignity in Somaliland. This is Africa where you can buy the law. Probably the habashi bribed the police through his Somali contacts. The Sudanese are more foreign in Somaliland than the xabashis, at least the xabashis speak the language or they have many Somali contacts.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by SahanGalbeed »

Waxani waxay ku tusaysa , nidam darida somalida . Askariga mushahar ba la siiya , laakin sharci adag ma qabto .
Haddi askari walba ID number lo samayn laha , haddi nin walba oo la soo xidho askariga soo xidhaya ID numberkiisa lagu qaban laha , waxano kale meel loo raad raaco ayay yeelan lahayd , o asakariga deetana lagu ganaaxo . Hadda laakiin askarta Somaliland tii berigii faqashta waxba ka ma duwana
Ninkii raba ku soo xidhanaya .
If you do not improve the little things like these , waxaad sheeganayso waxba ka ma jiraan .

Good on that reporter for highlighting this issue , that's public service
User avatar
cyanide
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 499
Joined: Wed Jun 22, 2016 5:01 am

Re: Ethiopian Kidnaps Sudanese in SL and Sold to Ethiopia

Post by cyanide »

Why should we care about Sudanese
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”