Diwangelinta Cayn iyo Sool

Moderator: Moderators

User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Sharmarke91 »

FAAHFAAHIN DIIWAANGELINTA GOBOLKA SOOL IYO SAADAASHA TIRADA LAGA FILAYO



Waxaa degaamadii aan doorashooyinku ka dhici jirin ee Gobolka Sool ka socota Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland, taasoo bilaabantay 23.8.2016. Inkastoo isdiiwaangelintu aad uga hoosayso sidii la filayey, hadana si baahsan ayey degaamada badankooda uga socotaa.

MAGAALADDA LAASCAANOOD:

Magaalada Laascaanood gudaheeda Isdiiwaangelintu si habsami ah ayey uga socotaa, 10 gobood ayaa layska diiwaangelinayaa, badankooduna maalin oo dhan way camiran yihiin.

Dadku waxay ku cabanayaan in goobaha diiwaangelintu ay aad u yar yihiin ama aanay isku dheelitirayn, qaarkood waxay ku yaaliin meelo leexsan oo aan dadku arki karin, qaarkood waxay ku yaaliin dabaq aanay fuuli karin dadka waaweyn iyo curyaamiinta sida Bisha Cas. Xaafadaha laga cabanayo waxaa u badan kuwa shacabkdoodu aanay horey Somaliland u aaminsanayn sida Maxamuud Barri, waxayna eedaynayaan isu dheelitir la’aan Komishanka Gobolka, iyo arimo qabyaaladeed, waxaanay muujinayaan in aanay ku kalsoonayn u dacwoodka Komishanka Qaranka iyo Xukuumadda oo ugu muuqda inay raali ka yihiin.

Isku soo wada duubo shacabka Laascaanood isma wada diiwaangelin doono, waxaase la saadaalinayaa in Laascaanood gudaheeda ay iska diiwaangeliyaan ilaa 40000 oo qof.

ADHICADEEYE, YAGOORI, YEYLE IYO BARRIGA LAASCAANOOD:

Degaamadan Isdiiwaangelintu way ka socotaa haba ku kala xoog badnaatee, isdiiwaangelin buuxdaana ka dhici mayso, laakiin waxaa la filayaa inay iska diiwaangeliyaan 12000 oo qof in ka badan.

HAWDKA LAASCAANOOD:

Inkastoo ay jiraan duruufo dhowr ah, hadana meelo badan ayey diiwaangelintu ka socotaa, degaano balaadhan oo ay u badan yihiin Beelaha Ugaasyadu ayaa loo diiday in la geeyo goobo ay iska diiwaangeliyaan, iyagoo ku hungoobay codsiyo ay u gudbisteen Xukuumada, Komishanka iyo Xisbiyada, colaada labada Reer ee Baharsame iyo Qayaad, iyana saameyn weyn ayey ku yeelanaysaa.

Duruuf kastaa ha jirtee waxaa la qiyaasayaa inay ilaa 9000 oo qof iska diiwaangeliyaan.

DEGMADA XUDDUN:

Degmada Xuddun dhowrkii maalmood ee ugu horeeyey waxaa isdiiwaangelinta hoos u dhigay lacago dhagaraysan oo muran iyo khilaaf ka abuuray qoysaska dhexdiisa ah, oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi uu beelaha u qaybiyey, hadase way soo roonaanaysaa oo Isdiiwaangelintu meelo badan ayey ka socotaa, waxaana la tilmaamayaa in aanay ka yaraan doonin 10000 oo qof.

DEGMADA TALEEX:

Magaalada Taleex gudaheeda iyo hareeraheeda (Nuur Axmed Barri) diiwaangelintu aad ayey u hoosaysaa, iyadana waxaa saameeyey lacag 55 000 oo dollar gaadhaysa oo loo xambaariyey labo ka mid ah Xildhibaanada Isxambaarka ka ah Hargeysa.

Arintani waxay keentay canaad iyo cagojiid badan, ilaa hada waxaa la sheegayaa inay ilaa 2500 oo qof isdiiwaangeliyeen, taasoo ah mid aad uga hooseysa qiyaastii la filayey. Beelaha kale ee Galool Oriye sida, Maxamuud Ugaadhyahan, Cumar Wacays iyo Wacays Cabdulle ayaa laga rajeynayaa in layska diiwaangeliyo, waxaana la filayaa in Degmada Taleex ay iska diiwaangeliyaan 8000 oo qof.

SAADAASHA GOBOLKA OO AAN CAYNABO KU JIRIN:

Inkastoo ay qiyaastu ka yaraan karto ama ka badan karto, degaan kastana dadka badankiisu aanay Isdiiwaangelinayn, duruufo badanina jiraan, hadana waxaa la saadaalinyaa in tirada Isdiiwaangelinta ee Gobolka Sool oo aan Caynabo ku jirin, horena aan doorashadu uga dhici jirin ay gaadhi ama ku dhowaan doonto 79000. haddii aan isbedel kale ku imaan.

DEGAAMADA AAN DIIWAANGELINTU KA DHICIN:

Diiwaangelintu waxaanay ka qabsoomin degaamada Puntland u sii jeeda, 90 KM oo ka tirsan Xuduudka Gobolka Sool ah, laga bilaabo degaanka Gambadhe ilaa Yoocada oo u sii raacsan dhanka xuduudka Itoobiya, waxaana hoos yimaada degaamo waaweyn oo ay ka mid yihiin Tukaraq, Degmada Boocame, Buurowadal iyo kuwo kale fara badan.

SABABAHA HOOS U DHIGAY ISDIIWAANGELINTA:

Komishanka oo aan wax ahmiyad iyo tixgelin weyn siinin Isdiiwaangelinta Gobolka Sool, haday tahay in degaamada la wada gaarsiiyo goobihii Diiwaangelinta, qorshaynta meesha ku haboon iyo sidii dadka loogu hawlyarayn lahaa, qiimaynta duruufaha gaarka ah ee Gobolkaa ka jira, wacyigelin xumo, maamul xumo waqtiga diyaargarowga (Laascaanood goobaha qaarkood diiwaangelintu waxay bilaabantay gelinkii dambe, dhulka dibadaha 24.8.2016, halka kuwo ciladi ku timidna ay ka dambeeyeen oo waqti badan qaateen, iyadoo ay yaraayeen farsamo yaqaanada heeganka ah), Maamul Xumada komishanku waxay cuntay waqtigii dadku xaqa u lahaa, iyadoo ay ku waajibtay inay magdhabaan waqtigii ay lumiyeen.

Maamul Xumo wacgelinta Xukuumada taasoo keentay isqabqabsi iyo murug Beelaha dhexdooda.

Siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo qaba in Heshiiskii Awrboogeys uu burburay oo la sariftay, taas oo ka socota dhanka Wasiirka awooda badan ee Madaxtooyada.

Sadexda Xisbi oo ka shakisan ama aan hubin cida ka faaiidi doonta codka degaamadan Cusub, mana jirto Xisbi ahmiyad gaar ah siiyey,.

Xaysimo.com
User avatar
cyanide
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 499
Joined: Wed Jun 22, 2016 5:01 am

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by cyanide »

Why not post in Somaliland section since it's about that

Doqonkii Dhulbahante Doolyo Laga Qaad
User avatar
Ben Dover
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5259
Joined: Fri Mar 25, 2005 8:08 pm
Location: getrichathome.co.uk
Contact:

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Ben Dover »

:up:
User avatar
Togdeer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2867
Joined: Tue May 27, 2014 11:43 pm

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Togdeer »

Friend of mine who works for the election commission told me there was only 20 who did diwaangelin in the town of widh widh, degmada buhoodle. This is suppose to be a town with over 1500 people. :russ:
PrinceNugaalHawd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3235
Joined: Sun Apr 07, 2013 5:26 pm
Location: Khaatumo / Jubbaland

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by PrinceNugaalHawd »

cyanide wrote:Why not post in Somaliland section since it's about that

Doqonkii Dhulbahante Doolyo Laga Qaad
cyanide wrote:Why not post in Somaliland section since it's about that

Doqonkii Dhulbahante Doolyo Laga Qaad
Doqon adiga aah OO 24/7 Afaaro Umaad kale kuu jira.

Somalia burburka, musuqmasuqa, dilka, dhaca, qaraxa, dhibta ka jira is okay. Dhulbahante standing for Somalinimo is nothing. But the minute we support dividing Somalia. We are the problem lol

Baal tell us one thing your family did for Somalia but destroy it?

Meel Fariso mooryaanyahay indhaha gudgududaan.
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17688
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by theyuusuf143 »

Widhwidh berigii dhawayd ee garaadkooda in lagu aaso dawladu iska hortaagtay Bay xanaaqeen. Yagaase gardarnarnaa oo nacasnimo iyo ciidanka naga qaada aanu garaad ka aasnee iyo sheeko noocaasa la shir yihiin, dawladuna farta dhexay u taagtay .
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17688
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by theyuusuf143 »

Sool Si wanaagsan Bay uga dhacaysaa meel kastaba . Ninkii aan is diiwaangelinayn isagay u taal laakiin ilaa iyo hada kuwa raba inay is diiwaangeliyaan wax caqabadi lamay soo dersin.
User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Sharmarke91 »

cyanide wrote:Why not post in Somaliland section since it's about that

Doqonkii Dhulbahante Doolyo Laga Qaad
Khatumo=Dhulbahante therefore anything concerned with Dhulbahante will be posted in this section.

speak good or keep silent!

..also Dhulbahante affairs don't concern you, so your contribution on this matter is not required.
User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Sharmarke91 »

79,000 people registering would be impressive considering the current situation of the region and the amount of opposition there is to the process of voter registration.

It would certainly highlight how populous the region is.
User avatar
kanadiid90
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2099
Joined: Thu Nov 20, 2014 9:46 pm

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by kanadiid90 »

good news man :up:
PrinceNugaalHawd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3235
Joined: Sun Apr 07, 2013 5:26 pm
Location: Khaatumo / Jubbaland

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by PrinceNugaalHawd »

I'm expecting around 35% to 40% turnout, due to opposition, and places they haven't went yet, and this being the first real Diwaangelin. Tukaraq, Bocame and Eastern Sool need Diwanagelin too.
User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Sharmarke91 »

PrinceNugaalHawd wrote:I'm expecting around 35% to 40% turnout, due to opposition, and places they haven't went yet, and this being the first real Diwaangelin. Tukaraq, Bocame and Eastern Sool need Diwanagelin too.
I agree walal, Inshallah that 35% to 40% turnout will be 80,000 or more people
User avatar
Bandit
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2653
Joined: Fri Dec 19, 2014 12:00 am

Re: Diwangelinta Cayn iyo Sool

Post by Bandit »

:russ:
The only place that will hold elections will be places where scummy dhabo dhilif live I should've known those shameless nuur ahmed trash had something to do with this bs article by the website that made it :russ:
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Khaatumo”