IGAD summit ended success job well done President Hassan sheikh Great Agreement
Posted: Tue Sep 13, 2016 1:27 pm
MUUQAAL: War murtiyeed kasoo baxay Shirkii IGAD oo lagu qeexay Midnimada Soomaaliya, Madax banaanida Dhuleed, Xornimada Iyo Qodobo kale +(Akhriso)
Sep 13, 2016 - 6 Aragtiyood
Muqdisho (kalshaale) Waxaa la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii 28aad ee IGAD oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dalkiisa lagu marti gelinayay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD Aamina Mohamed ayaa saxaafada u akhrisay War murtiyeed laga soo saaray shirka oo ka koobnaa 22 qodob, iyadoo Madaxda IGAD ay xaqiijiyeen Midnimada Soomaaliya, madax banaanida, dhuleed iyo xornimada, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.
Sidoo kale Madaxda IGAD ayaa ku baaqay in arrimha Soomaaliya looga dambeeyo dowladda Federaalka, hadii ay ahaan laheyd Xasilinta iyo dib u dhiska, waxayna soo dhoweeyeen shirarkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo sida ay uga go’an tahay in doorasho dalka uga dhacdo.
War murtiyeedka ayaa lagu soo hadal qaaday maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxaana lagu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo gaba gabeeyo dhismaha Maamulkaas.