Maamulka Galmuduga ayaa daaha ka qaaday in dagaalkii Magaalada Gaalkacayo ka Socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, ay guulo ka gaadheen,ayna gacanta ku hayaan Askar ay dagaalkaas ku qateen kuwaas oo isugu jira Askarta Puntland iyo Kuwa deegaano Kale ka yimid,Waxayna Xogo lahelay Sheegaysaa in Dagaalkaas ay ku jireen Ciidamo Liyuu Boolis ah.
RIIX HALKAN OO DAAWO MUUQAALKAN.
Ilo Madax banana oo lagu Kalsoon yahay ayaa Xaqiijiyey in Ciidan katirsan Liyuu Booliska deegaanada Soomaalida Ethiopia ay dagaalkas qayb ka ahaayeen,isla Markaan Ciidamada hada lagu qabtay dagaalka ay ku jiraan Askar Liyuu Booliska kamid ahaa oo dagaalka dhanka Maamulka Puntland ka safnaa.
RIIX HALKAN OO DHEYSO CODKA.
Waxa La sheegay in Ciidankaasi hadda gacanta ku hayaan Maamulka Galmudug ayna ka bar bar dagaalamayeen Ciidanka Puntland.
Puntland iyo Maamulka Kililka ee uu Hogaaminyao Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Isku dhawaanshiyo Siyaasadeed iyo Mid Beeleed Sameenayey Muddooyinkii Dambe taasi oo Ceeb ku Ah Maamulka Maamulka Gaas Hadii Lasoo Bandhigo Ciidankaasi La sheegay in Maxaabiis ahaanta Galmudug aty uqabatay.
DAAWO XASAN SH OO KALE KU XADGUDBAY.
Saraakiisha iyo Maamulka Galmudug ayaa balan qaaday in ay Goordhow Soo bandhigi doonan Maxaabiista ay ku qabteen Dagaalkii shalay,ayna Warbaahinta la wadaagi doonaan Xaaladihii ka dhashay Dagaalkii Gaalkacayo.







