Page 1 of 1

Kenya maxay ka ogeed dilka xildhibaanada?

Posted: Sat Feb 18, 2017 2:10 am
by Django
Kenya maxay ka ogeed dilka xildhibaanada?
Shalay galinki dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar lagu qaaday Hotel Ambassador oo ku yaala magaalada Muqdisho - Hotelka waxaa daganay AUN xildhibaan Maxamed Guure oo xanusana , Xildhiban guure waxaa Hotelka kusoo booqday AUN xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne.
Daqiqado kadib marku xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne soo galay Hotelka waxaa xoog kusoo galay hotelka koox dhalinyaro ah oo aad u hubeysan , waxayna bilaaben rasaas dhinac walba ah. waxayna halkaas ku dileen dad kabadan 15 qofood oo ay kamid yahin labada xildhibaan.
labadan xildhibaan waxay qayb ka ahaayen xildhibaano iyo siyasiyin isku xilqaamay sidi ay Kenya oga celin lahayen dhaca iyo boobka ay ku heyso bada Somalia.
Waxay sido kale waden olole lagu donayay in Somaliya loga mamnuuco qaadka ka yimada Kenya oo ay shegen inu dhibaato badan ku hayo Shacabka Somaliyed.
https://www.facebook.com/SomaliRC1/?fref=nf&pnref=story