Page 1 of 2
Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Mon Mar 06, 2017 8:57 am
by THE_TRUTH1
Maamulka Hirshabeele oo sheegay in uu dib u howlgalinayo garoonkii Cisaley iyo dekeda Ceelmacaan
14
Shares
Share Tweet Email
Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay dib u howlgalin doonaan dekeda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo garoonka diyaaradaha ee Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo mudo ka badan 15 sano ah aan la isticmaalin.
Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe ayaa kormeer ku tagay Dekeda Ceel Macaan iyo deegaanka Ceel cadde oo ku yaalla duleedka Muqdisho.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib loo howl geliyo labadaas goobood oo muhiim u ah dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle
Waxaa rajo laga muujiyay dib u howl gelinta Garoonka Cisaley, kaasoo ay sheegeen inuu ka soo degi doonaan diyaaradaha Hey’addaha sama falka iyo kuwa Qaadka ka keena Kenya.
Ugu danbeyntii, hadii dib loo howlgaliyo dekeda Ceel Macaan waxaa la leeyahay waxaa shaqo abuur ka heli doona dhalinyarada iyo xoogsatada deegaanka, kuwaasoo shaqo la’aan soo food-saartay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Mon Mar 06, 2017 11:36 am
by Strategic
Heard the new port will be used for Livestock export mainly.
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Mon Mar 06, 2017 2:50 pm
by sahal80
abgaals r opening new ports and airport as they lost the govt in MOG who collacts the revenue
ciseleey airport will be threat to aden adde airport interms of small business and khat
its great for Hirshabelle though
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Mon Mar 06, 2017 4:05 pm
by Futurist
diversification of ports is good
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Tue Mar 07, 2017 11:12 am
by TheblueNwhite
Abgaal eating good from left to right! Mashallah.
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Tue Mar 07, 2017 4:51 pm
by sahal80
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Tue Mar 07, 2017 6:37 pm
by AbkoowDhiblaawe

finally
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Tue Mar 07, 2017 7:11 pm
by Kismaayo21
Mashallah, the pictures are looking beautiful, may Hirshabaale prosper even more inshallah
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Thu Mar 09, 2017 6:27 am
by zidane88
Positive and competitive business opportunities is what we need. Good news.

Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Sun Mar 12, 2017 4:13 pm
by sahal80
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Sun Mar 12, 2017 4:37 pm
by THE_TRUTH1
XOG CULUS: Farmaajo Iyo Cosoble oo Qorsho ka dhan ah Dekada Ceel macaan Dajiyay
12/03/2017 2,676 Views
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo dhawaan booqday Dekada macmalka ee Ceel macaan Islamarkaana sheegay in dib loo furaayo ayaa safarkiisa’ ka dib kulan qarsoodiya la qaatay Madaxweynaha Dowladda Feredaraalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Kulanka Dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Cosoble oo ahaay mid qarsoodiya aya loogu wada hadlay sidii loogu baaqsan lahaay ‘dib u howlgalinta dekada Macmalka ‘ ah ee Ceel macaan sida aan ilo wareedyo ku heleeyno Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa loo balan qaaday taas badalkeeda in dekada Muqdisho laga siin doono dhaqaalo bil walbo si joogta ‘ah.
Hadii dib loo howl galiyo Dekada Ceel macaan’ waxaa meesha ka baxaayo dhaqaalaha ‘Faraha badan ee Dowladda Fedaraalka ka soo galo’ Dekada Magaalada Muqdisho sidaas darteed Madaxweyne Farmaajo ma doonayo in la furo dekad Muqdisho ku dhow oo Maamul gobaleed dhaqaalaha ka soo xaroodo qaadanayo ayuu yiri mid ka mid ah Siyaasiyiinta oo shaaciye.com la hadlay.
Dhanka Kale qorshahaan halista ku ah dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle ka soo geli lahaay halkaasi lama ogo in aay wax ka og yahiin iyo in kale Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Sun Mar 12, 2017 4:48 pm
by THE_TRUTH1
March 9 (Jowhar)— Ganacsatada qaadka ayaa bilaabay inay duulimaad toos ah qaadka ay ku geeyaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo qaadka markii hore laga qaadi jirey magaalada Muqdisho.
Diyaarada sidey qaadka ee soo gaartay magaalada Jowhar ayaa qaadkii ay sidey waxaa la geeyay magaalada Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo qiimaha la iibinayay uu ahaa mid ka jaban qiimihii hore ee jaadka laga keeno caasimada dalka ee Muqdisho.
Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ee magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in si toos ah qaadka uu ugaga yimaado dalka Kenya.
Dhowr jeer oo hore la isugu dayay in si toos ah loo keeno qaadka magaalada Jowhar ayaa suurtogeli weyday balse ganacsatada haatan bilowday soo dejinta qaadka ayaa sheegay in ay maalin walba keeni doonaan qaadka magaalada Jowhar.
Maamulka Hirshabeelle ayaa doonaya haatan in uu abuuro ilo dhaqaale oo uu maamulka u madax banaan yahay, waxayna bilaabida keenista qaadka sida tooska ah loo keeno ay abuuraysaa in daqli uu ka helo maamulka.
Waxaana suurtogal ah in garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ay dadku ka dhoofi karaan xilliyada dhow ayna shirkadaha diyaaradaha dadka u qaadaan gudaha dalka iyo dibadiisaba.
Dhowaan ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa waxa ay booqdeen dekeda Ceel Macaan iyadoo la qorsheynayo haatan sidii dib loogu furi lahaa dekeda Ceelmacaan iyo weliba garoonka diyaaradaha Cisaley oo labaduba ku yaal deegaano kamid ah dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Sun Mar 12, 2017 6:11 pm
by sahal80
Farmaajo markuu kismaayo soo xareeyo ayuu ceel macaan ka hadli karaa
bilcaksi cali cosoble waaka cadahay meeshaan waxaa ka buuxa kuwo wadooyinka jowhar laga soo qabqabtey oo xildhibaano laga dhigay min 6 kuna garguurte siiyay hadana waashey. mooshin bay ku keeneen. hawadluu ku soo cararey asagoo leh kursiga dhaqaaluu u baahanyahay bla bla
madaama odayaasha talada ka go,do waxay ku yiraahdeen hal shilin hiiraan kama qaadi kartid kursigaana hadaad daafacanwaysid tolkaa leh
wuxuu isku dhiibay abgaalkii xamar dhuuqayay 10kii sano ee la soo dhaafay oo inta ku soo jeestey, cisaleey, ceelmacaan iyo balcad ayuu dawaaf ku maray dhulkii warshadihii, garoonkii iyo dakadii oo ganacsatadooda ku wareejin rabo asna saas ay wax ugu tuuraan uu mooshin isaga ilaaliyo
waxaa wacay marlabaad imaaraadka oo xiriir hoose laleh maadama ay hotelo ku leeyihiin kana shaqayn jiray laakiin waa vabsanayaa la mid maaha cabdiwali gaas waayo xukuumadan cusub asaga shakhsiyan ma haysato laakiin waxay nooga digeen inuu imaaraadka la shaqeeyo
wasiiradii waa ansaxiyay wuxuu wadaa xeerhoosaad xildhibaanka jagada mooshin looga qaadayo haduu is waalwaalo .

Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Sun Mar 12, 2017 7:30 pm
by smooth
Horta waxa la yaabey the reactionary nature of our people up and down the country.
Hurdada waxa laga kacaya when Qabiil hebel gets involved even if it's an internal one. Forget Hiirshabelle, Hiiraan itself had no maamul, the moment HSM wants to build one, all of a sudden a parallel process kick starts even peace is made with O.G by Xawaadle after 30 years.
Enter EX Galmudug, the dancing Suufi's all of a sudden hold a shir after being asleep all that time and announce a maamul, the same story everywhere else in the country.
And now this
I can't take this serious to be honest, this to me looks like pure political posturing and arm wrestling, it will never compete with Mogadishu, neither will Kismaayo or Bosaaso, hell P/land set up a blockade in Northern Gaalkacayo for this very reason.
The container business has no equivalence whatsoever, more stuff = lower price + Turkish backing.
Instead of moving forward and giving this administration a chance and vote them out if they fail in the short 4 years, we are going back to becoming our own worst nightmare and giving our enemies free reign to exploit us again
A failure of this government will impact the entire Somalia this time due to the populism and the worst affected people will be those around Benadir that will fight over the spoils and split into groups if this administration collapses.
Re: Hirshabeele reopend port of Ceelmacaan and Cisaley Airport great news Tax have increased In Mogadishu port
Posted: Mon Mar 13, 2017 12:02 am
by THE_TRUTH1
sahal80 wrote: Sun Mar 12, 2017 6:11 pm
Farmaajo markuu kismaayo soo xareeyo ayuu ceel macaan ka hadli karaa
bilcaksi cali cosoble waaka cadahay meeshaan waxaa ka buuxa kuwo wadooyinka jowhar laga soo qabqabtey oo xildhibaano laga dhigay min 6 kuna garguurte siiyay hadana waashey. mooshin bay ku keeneen. hawadluu ku soo cararey asagoo leh kursiga dhaqaaluu u baahanyahay bla bla
madaama odayaasha talada ka go,do waxay ku yiraahdeen hal shilin hiiraan kama qaadi kartid kursigaana hadaad daafacanwaysid tolkaa leh
wuxuu isku dhiibay abgaalkii xamar dhuuqayay 10kii sano ee la soo dhaafay oo inta ku soo jeestey, cisaleey, ceelmacaan iyo balcad ayuu dawaaf ku maray dhulkii warshadihii, garoonkii iyo dakadii oo ganacsatadooda ku wareejin rabo asna saas ay wax ugu tuuraan uu mooshin isaga ilaaliyo
Abgaal alwasy eatsgood in Mogadishu not just last ten years
waxaa wacay marlabaad imaaraadka oo xiriir hoose laleh maadama ay hotelo ku leeyihiin kana shaqayn jiray laakiin waa vabsanayaa la mid maaha cabdiwali gaas waayo xukuumadan cusub asaga shakhsiyan ma haysato laakiin waxay nooga digeen inuu imaaraadka la shaqeeyo
wasiiradii waa ansaxiyay wuxuu wadaa xeerhoosaad xildhibaanka jagada mooshin looga qaadayo haduu is waalwaalo .
The Other day you wrote
sahal
Tusaale garguurte 5% ayuu gobolka banadir siin jiray, dadla lacagta haysta waa dad ku cid ah oo la siiyay qandaraasyada NGOda, mid dharka askarta keena, mid kabaha askarta keena, mid computerska shaqaalaha iyo ajaanibta keena, mid zaadka ciidanka haysta, kuwo bankiga heysta, kuwo airportka haysta waa MUQAAYAD REER maga somalia wax ku cuna
Yaa naga daba dhigay ...
