Page 1 of 1

Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 5:53 am
by FBISOMALIA
Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Sadex Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee DPL

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28, March 2017 ka qayb galay aas qaran oo lagu sameeyey magaalada Garoowe sadex sarkaal oo ku geeriyoodey shil gaari.

ka qayb galka aaska qaran ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida bulshada magaalada Garoowe.

Sadexdan sarkaal ayaa kala ah gashaanle dhexe Maxamed Siciid Jaamuus lataliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland. gaashaanle dhexe Cawed Cabdiraxmaan Guuleed Taliye xigeenka hogaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu marlabaad uga tacsiyaynayaa talisyada ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, eheladii qarabadii, asaabtii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexdan sarkaal, kuwaas oo uu madaxweynu sheegay inay ahaayeen saraakiil ka soo baxa shaqadooda doorfiicana ka qaata difaaca dalka iyo ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada Dawladda Putland iyo shacabkeeda.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey waxaa u isna dhankiisa utacsiyaynayaa taliska ciidamada Dawladda Puntland, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen sadexda sarkaal, waxaana uu illahay uga baryayaa inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo samir iyo iimana alle ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qoyasaaskii ay ka tageen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryayaa inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo camalkooda inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo talisyada ciidamada DPL, shacabka Puntland, eheladii qarabadii iyo qoysaskii ay ka baxeen dhamaantood.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 5:55 am
by FBISOMALIA
AUN its dark day in PL.

إن شاء الله إلى جنة الفردوس

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 6:09 am
by DalJecel60
Ilahay Ha Un Naxaaristo

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 1:49 pm
by xiimaaya
What aas qaran? Do you know the meaning of qaran? Yaab

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 1:49 pm
by xiimaaya
Aun

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Wed Mar 29, 2017 11:27 pm
by FBISOMALIA
xiimaaya wrote: Wed Mar 29, 2017 1:49 pm What aas qaran? Do you know the meaning of qaran? Yaab
Yes we know what its mean , PL lose some of its best soldiers , Dark day in PL .

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Thu Mar 30, 2017 1:09 pm
by xiimaaya
Tulada garowe ma qaran ba? Lol

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Sat Apr 01, 2017 6:05 am
by FBISOMALIA
xiimaaya wrote: Thu Mar 30, 2017 1:09 pm Tulada garowe ma qaran ba? Lol
Do you know clan they come from ?

If you know, you would shut up for good when every time you talking about PL .

Re: Official funeral Ceremony in garowe

Posted: Sat Apr 01, 2017 6:50 am
by bumps
Aun