
Waddada isku xirta Xamar iyo Jowhar oo maanta mashquul ah- (ogow sababta)
21/04/2017 310 Views

Waxaa mashquul badan oo aan waayadaan lagu arag uu ka jiraa waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, halkaas oo lagu arkayo gawaari tiro badan oo is-dhaaf-dhaafaysa.
Gawaaridan ayaa saacadihii la soo dhaafay ku socdaalayay waddada si ay ugu kala gudbaan labada magaalo, waxaana uu ujeedkoodu ahaa in ay soo daabbulaan shixnado qaad ah oo Jowhar yaalla.
Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in dhaqdhaqaaqa gaadiidka uu kordhay wixii ka dambeeyay markii diyaaradihii qaadka ee Xamar tegi jiray ay u soo wareegeen magaalada Jowhar.
Diyaaradaha ayaa saaka waxa ay mar kale ka soo dageen magaalada Jowhar, halkaas oo ganacsatadii qaadka ee Muqdisho ay u soo suuq-tageen.
Qaar ka mid ah ganacsatadan ayaa warbaahinta u sheegay in la kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray qaadka ka soo dega Muqdisho, sidaas darteedna ay u soo wareegeen Jowhar oo maamulka ka jira uu soo-dhaweyn fiican u sameeyay.
La ma oga inta ay diyaaradaha qaadku sii wadayaan in ay ka soo degaan Jowhar, waxaase laga yaabaa in wadaxaajood lala galo dowladda iyo mas’uuliyiinta canshuuraha qaabilsan ay suurtagaliyaan in xal loo helo caqabadaha sababay in ay diyaaraduhu ka soo wareegaan Muqdisho.