GalMudug & ASWJ talks

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

GalMudug & ASWJ talks

Post by TheblueNwhite »

Kadib muddo laga warsugayey wadahadaladii u dhexeeyey dowlad-goboleedka Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe waxa soo baxay natiijo aan lagu farxin, sababtu waxa ay tahay is fahan xumo dhanka habka loo wadaagayo awood qaybsiga siyaasadeed.

Qoraal uu ku saxiixnaa Cabdi Faarax Saciid (Juxa) wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa sidan u qoray qodobadii ay ahayd in laga wadahadlo lagana garao xal, hayeeshee sida muuqata wax la isla gartay ma jiraan, wasiirkuna waxa uu fasaxay in Galmudug qabsato doorashada madaxweynaha

In ay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu-sunna heshiis ka gaaraan khilaafkooda, islana qaataan wax qaybsi siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo is-tixgalin.
In Galmudug ay qabato doorasho madax-wayne xilligii lagu ballamay, kaas oo dhamaystira mudada xilka Madax-waynaha ka hartay.
In dhameystirka wada-hadalada iyo dhaqan galinta heshiis siyaaseed iyo awood qaybsi buuxa laga dhigo doorashada Madax-waynaha Galmudug ka dib
In Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamku Fududeeyaan Is-fahanka iyo dhamaystirka wada-hadalada wax qaybsi ee labada dhinac.
In Galmudug iyo Ahlu-sunna ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimikara in la gaaro heshiis dhameystiran iyo wax qaybsi siyaasadeed oo buuxa inta lagu jiro wada hadalada.
Waxaa Dowladda Fadaraalku ugu baaqaysa labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu-sunna in ay ka shaqeeyaan la dagaalanka xag-jirka, nabad diidka iyo waxkasta oo khatar ku ah nolosha, wada-jirka iyo xasiloonida deegaanka
Waxaa sidoo kale Dowladda Federaalku ugu baaqeysaa labada dhinac in ay iska kaashadaan u gurmadka dadka iyo duunyada abaartu saamaysay.
Waxay Dowladda Federaalku u mahad-celinaysaa labada dhinac siday u muujiyeen rabitaanka in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee deegaanka.
Dowladda Federaalku waxay si gaar ah ugu mahad-celinaysaa maamullka Galmudug dulqaadkii iyo rabitaankiii ay muujiyeen si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jiray Galmudug.
Mahadsanidiin
Cabdi Faarax Saciid (Juxa)
Wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinta
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: GalMudug & ASWJ talks

Post by TheblueNwhite »

Weli waa la is haystaa! Stalemate
User avatar
Strategic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4950
Joined: Mon Jul 13, 2015 5:06 am

Re: GalMudug & ASWJ talks

Post by Strategic »

that area is always in perpetual conflict and war.allah cursed them with these wars.so long as they contain their non-sense qabiil wars in their regions,i dont care.every year,new shirt and the war continues.nclad
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: GalMudug & ASWJ talks

Post by TheblueNwhite »

Image
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”