June 03 (Jowhar)— Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howl galada Xasilinta Caasimadda Muqdisho, isagoo xusay inay jirana dad cabashi ka keenay arrinta hub ka dhigista.
Wasiir Yariisow oo ku sugan Nairobi ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Horn Cable ee xaruntiisu tahay Hargeysa ayaa sheegay in la aqbali doonin cid alla cidii ka hor timaada ama isku dayda xasilinta Caasimadda, isla markaana aan cidna looga aaba-yeeleyn.
“Cida ama cidii ka hor timaada, ama isku dayda inay ka dhega adeegto xasilinta Caasimada iyo amni soo celinta ama siyaasaneyneysa, cid laga yeelayo ma lahan”ayuu yiri Wasiir Yariisow oo intaa ku daray in dowladda Federaalka ka go’an tahay arrintan.
Waxaa uu sheegay in dowladda sharciyad loo siiyay, in dalka amnigiisa la soo celiyo, isagoo tilmaamay in aanay jiri karin cid ku owr-kacsan karta iyo beel hebel aanay jirin, isla markaana ay xukuumadda ka go’an tahay fulinta arrintan.
“Dowladda sharciyad ayaa loo siiyay, in dalka amnigiisa la soo celiyo, cid looga aabayeelayo ma jirto, cid ku owr-kacsan karta ma jirto, beelo iyo wax kale, xukuumadda waxaa ka go’an in dhaqankii hore wax laga bedelo, dhaqan fowdo iyo in caasimada amnigeeda la soo celin waayo, mar dambe in la maqli ma rabo, cid alla cidii rabta ee ku nooleyd fowdada, walina rabta fowdada, is bedelka diidan, waxaa dan idin ku jirtaa is bedelka, intaa fiirineysaan dan shaqsiyadeed waxaa ka muhiimsan danta shacabka”ayuu yiri Wasiir Yariisow.
Mar uu ka hadlayay dilalka ka dhaca Muqdisho ayuu sheegay in qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday in inta badan dilalka aanay Shabaab ka dambeyn.
“Qiimeyn la sameeyay dilalka ka dhaca Muqdisho waxaa lagu ogaaday in aysan inta badan Al-Shabaab ka dambeyn, oo ay waxyaabo kale ay ku lug leeyihiin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dad badan hubkooda ay kala carareen magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka daba tagi doonto gobol iyo degmo meesha lala aadayo, cid laga yeelanaya aanay jirin.
Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow oo ka mid ah Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo siyaasiyiin iyo dad kale oo horay xilal u soo qabtay ay ka digeen qorshaha hub ka dhigista ee ka socota Muqdosho oo ay sheegeen inay tahay mid Muqdisho kaliya ka socota oo aan magaalooyinka kale la qaban, taasoo walaac ay ka muujiyeen qaabka uu u socdo howl galka.
