Jihaadkii 4aad:
Qabiilkii ugu horeeyay ee u soo gurmada Imaamka waxay ahaayeen
Habar Magaadaa ayagoo u wato suldaankoodu Axmed Gerri Xuseen.
Waxay dageen meel la yidhaahdo Qasha oo buuraa dooxada Harar ka
saraysa. Waxay ku xaragoodeen hubkoodii iyo qalabkay siteen
ayagoo faradhooda jarraynaya. Waxay ahaayeen abaanduulayaal aan
loo dhigin abaanduulayaal, iyo ciidan aan ciidan loo dhigin.
Imaamkii ayaa aad iyo aad ugu faraxay gurmadkooda, Waxay Imaamka
ula kulmeen fool ka fool si diirana wuu u soo dhaweeyay, wuxu
siiyay dun iyo sahay suldaankoodiina wuxu hadayad u siiyay
hulaab aad u qurux badan . Buuga Furitaanka Xabasha u qoray
Shihaab Al Diin Axmed Abdul Qaadir boga 43naad.
Jihaadkii 7aaad:
Ninka sheekada noo soo tebiyay Ilaahay haw naxariistee wuxu
yidhi markii u imaamku hadana niyaystay inu duulaan danbe ku
qaado Xabashida kuna dhaartay inaanu ka soo laabanayn dhulka
Kiristaanka geeri mooyaane. Wuxu marsada Zaylac ka codasday hub
dagaal iyo seefo iyo wixii la mid ah.Wuxu u baahnaaba waa loo
keenay waxana ka mid ahaa 7 madfac (cannon) Todabaatan nin baa
ka yimi Mahara oo jihaadka damcsanaa, hogaamiyahoodu wuxu ahaa
Sacbaan Al Mahari iyo Axmed Ina Saleemaan Al Mahari iyo
hogaamiyii reerkayga Shariif Muhammed Ina Axmed. Ka dib ayuu
imaamku somalidii iyo qabiilada dagaaanka Xarla warka
gaadhsiiyay.Qabiilkii ugu horeeyay ee yimaada waxay ahaayeen
Habar Magaadaa ayagoo u hogaaminaayo Garaadkoodu Dawit (Daawad)
oo wata 50 fardoolay ah iyo 500 oo ciidan, ka dibna waxa yimi
Mareexaanka u hogaaminaayo Axmed Ina Xiraabo oo wata 80 faras
iyo todaba boqol oo ciidan ,ka dibna waxa ku xigat Gurguraa u
hogaaminaayay Garaad Caabid oo wata 30 fardoolay iyo kun ciidan,
ka dibna waxa yimi qabiilka Geri uu hogaaminaayay Garaad Mataan
oo wata sideetan fardoolay iyo kun ciidan. Buuga Furitaanka
Xabasha u qoray Shihaab Al Diin Axmed Abdul Qaadir boga 122-123
The conquest of Abyssia Habr Magaadle ( Isaaq role
Moderator: Moderators
-
- Posts: 5
- Joined: Mon Jun 05, 2017 6:50 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 839 Views
-
Last post by Ben Dover
-
- 91 Replies
- 11726 Views
-
Last post by geesihanad2
-
- 2 Replies
- 473 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 9 Replies
- 937 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 1 Replies
- 667 Views
-
Last post by Jamac_Yare
-
- 17 Replies
- 2100 Views
-
Last post by ReerDood
-
- 27 Replies
- 2306 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 3 Replies
- 1217 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 1 Replies
- 1284 Views
-
Last post by BestPlaya
-
- 6 Replies
- 1334 Views
-
Last post by Warsame101