wadajir suicide bombing facilitated by a soldier!
Posted: Tue Jun 20, 2017 6:33 pm
im suspicious of this soldier i dont think he is stupid as fuck.
The car was able to pass the checkpoint in front of the wadajir district building because a soldier was with the driver in the front seat
Al-Shabaab oo xeelad cusub u adeegsatay Qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay degmada Wadajir
Waxaa soo baxaya faahfaahino badan oo laga helayo qaabkii uu u dhacay qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay xarunta maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Gaariga qarxay oo ahaa homey ama caasi ayaa ku qarxay gudaha xarunta maamulka degmada Wadajir, iyadoo khasaare ballaaran oo aad u xoogan uu dhashay weerarkan.
Al-shabaab ayaa la sheegay iney xeelad cusub oo la yaab leh u adeegsatay sidii gaarigan qaraxa waday loo geyn lahaa gudaha xarunta degmada Wadajir.
Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay gaariga qarxay oo moos fara badan ku rarnaa uu soo joogsaday Suuqa degmada Wadajir, uuna halkaas ku qabtay askari ka tirsan kuwa dowlada hoose oo weydiiyey inuu bixiyo canshuurta mooska ku raran.
Hase ahaatee darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu si ku talo gal ah u diiday inuu bixiyo canshuurta la weydiiyey si isaga iyo gaarigiisa loo geeyo xarunta degmada uuna howshiisa halkaas uga fushado.
Askariga canshuurta loo diiday oo aan ka war heyn qaraxa ku dhex jira mooska gaariga saaran iyo ujeedada uu darawalku ka leeyahay diidmada canshuurta ayaa gaariga ka soo raacay shirka isagoo amray darawalka inuu degmada u raaco.
Darawalka oo siduu doonayey ay wax walba u socdaan ayaa gaariga dhaqaajiyey, waxaana la sheegay in afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ay ku joojiyeen askar halkaas ilaalo ka aheyd oo bar kontrolna ay u taallo, hase ahaatee askariga soo qabtay gaariga oo shirka saarnaa ayaa askartii kale ka codsaday in gaarigan dacwad loo heysto ayna ka qaadaan birta, gaarigan ayaana si lama filaan ah u qarxay markii uu gudaha u galay xarunta degmada.
Dad ka badan 20 ruux ayaa halkaas ku naf waayey, waxaana ka mid ahaa dadka geeriyooday askarigii soo qabtay gaarigan iyo darawalkii waday oo isagu geerida u soo bareeray, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo ay ku jiraan Guddoomiyihii dhowaan loo magacaabay degmada Wadajir, xoghayaha degmada iyo masuuliyiin kale oo howllmeedkooda ku jiray.