interesting developments as delegates gather in jowhar.
Musharraxa madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdi Faarax Sharaawe “Laqanyo” ayaa maanta oo Jimce ah, si diirran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magaalo madaxda Hirshabeelle ee Jowhar.
Waxaa ku wehelinaya Musharraxa imaanshihiisa magaalada Jowhar xubno ka tirsan siyaasiyiin,culuma’udiin iyo oday dhaqameedyo iyadoo ay soo cagadhigatay diyaaradii ay la socdeen garoonka abbaarihii 9kii subaxnimo ee maanta.
Musharraxa ayaa gacan qaaday dadkii iskugu soo baxay soo dhaweyntiisa oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Jowhar oo ay ka mid ahayeen xubnaha golaha sharci dajinta Hirshabeelle, Wasiirro, Culuma’uddiin, oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenba.
Hadal kooban oo uu ka jeediyay gagida diyaaradaha ayuu Musharraxa Mudane Cabdi Faarax Sharaawe [Laqanyo] uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran isaga oo yiri “ Reer Jowhar, iyo guud ahaan Reer Hirshabeelle aadbaan idiinka mahad celinaya soo dhaweynta diirran. Runtii ma fileyn soo dhaweyn intaa la’eg, waxa ayna ii muujineysa isbedelka ay rabaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle oo u ooman maamul wanaagsan, goleyaal tayo leh, dhaqaale sare u kaco iyo shaqooyin loo abuuro dhallinta fursad la’aanta u tahriibayo ama ugu biirayo kooxaha xag-jirka ah”
Musharraxa ayaa sheegay in uu kol dhow usoo bandhigi doono bulshada iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle siyaasaddiisa ku aadan musharraxnimadiisa iyo wax-qabadka uu rajeynayo in uu ka gun gaaro.
Musharraxa madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdi Faarax Sharaawe [Laqanyo] ayaa maantii shalay aheyd buuxiyay dhamaan shuruudaha musharraxnimada ee ay dejiyeen Guddiga Baarlamaanka Hirshabeelle ee Doorashooyinka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Doorashada Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 12ka bishan September oo ku beegan maalinta Talaadada ah.
pictures
http://www.jowhar.com/2017/09/08/mushar ... ay-jowhar/
Hiirshabelle elections to kick-start in Jowhar city
Moderator: Moderators
- Publicopinion
- SomaliNetizen
- Posts: 967
- Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm
- Publicopinion
- SomaliNetizen
- Posts: 967
- Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm
Re: Hiirshabelle elections to kick-start in Jowhar city
guudlawe is running for top postion.lets see how it goes.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 27 Replies
- 1738 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 16 Replies
- 1573 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 1 Replies
- 273 Views
-
Last post by bashe19
-
- 19 Replies
- 3268 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 1 Replies
- 519 Views
-
Last post by sahal80
-
- 13 Replies
- 2214 Views
-
Last post by paperino
-
- 6 Replies
- 874 Views
-
Last post by sahal80
-
- 25 Replies
- 2027 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 0 Replies
- 349 Views
-
Last post by sahal80