Isbaaro against somalia peace and future

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Publicopinion
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 967
Joined: Mon Jun 12, 2017 4:29 pm

Isbaaro against somalia peace and future

Post by Publicopinion »

abshir bukhari a warlord in the making.

Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia Abshir Bukhaari ayaa la soo baxay dhaqan ka bedelan dowladnimada iyo ilaalinta nidaamka taasoo ka baxsan waajibaadka Qaran ee uu u dhaartay.

Abshir Bukhaari ayaa u muuqda qof doonayo in xaalad colaaadeed uu ka abuuro magaalada Cadaado iyo degaanada Galmudug oo uu ka bilaabay olole ka dhan ah dowlada uu isagu ku jiro masuuliyiinteeda ugu saraysa.

Waxaan ka mid ahay qaraabada dhow ee Abshir waxaan ku arkay dhawaan Cadaado isagoo horboodaya Xildhibaano aan waligood looga baran wanaag iyo dal jacayl, waxaan waxaan u sheegay inuu ka haro waxaa uu wado ee qaran dumiska ah, aad baan ula yaabay jawaabta uu isiiyay iyo aragtida markii hore aan ka haystay oo ahayd aqoonyahan u soo baxay Soomaalida wuxuu ii sheegay in ujeedkiisu aanu ahayn beel iyo cid kale balse uu isagu doonayo mansab siyaasadeed oo ka sareeya kan uu hadda hayo, haddii loo fulin waayana uu meel walba dowlada ku dhibaataynayo.

Intaas markii uu sheekada marsiiyay ayaan waydiiyay mansabka uu doonayo iyo sida uu ugu qaybsami karo isaga, Mahad Salaad iyo Fiqi.

Wuxuu igu yiri “Aniga waxaan doonayaa kursiga Xasan Khayre raggan aad sheegaysana waxaan rabaa inaan jaran jaro uga dhigto arrintaas”

Waxaan ku iri Khayre ma waxaad leedahay wax ma qaban mise waxaa kaa muuqda Hinaase.

Inta uu qoslay buu yiri hadda waxa Cadaado garoonkeed isbaarada dhigtay ma Xaaf baad mooday waa aniga, lacag Hal milyan ku dhaw ayaa doorashadaydii iiga baxday waa muhiim inaan helo kursi ii qalma. wuxuu kaloo ii sheegay inuu ku daalay dacaayad uu ka waday idaacadiisa Goobjoog tan iyo markii la magacaabay RW Kheyre.

Intaas markaan is niri ayaan isaga soo tagay waxaan ogaaday Soomaalinimo iney u dhamaatay, ninka masuulka ee waxaas ku hadlaya heerka uu bulshada kaga jiri karo, waxaa kaloo ii xaqiiqawday in aan aaminay hadalo aan horay u maqli jiray oo ahaa in dilalka dhaca Shabaab kaliya aysan gaysan ee ay jiraan rag masuuliyiin ah.

Hadaba waxaan Soomaaliyay gaar ahaan dhalinyarada idiin cadaynayaa in dawladnimadeena aan difaacano kuwa noocan ah ee shaatiga qabiilka huwan aanan dhagaysan.

0Cidii xil rabta waqtigeeda ha sugato teeda kale waxaa ii xaqiiqawday in Farmaajo iyo Khayre inay diideen in tuug la laaluusho, haddii aqoonyahankii uu sidaas u dhaqmayo maxaa laga sugayaa siyaasiyiinteena kale.


Ha Guulaysato dawladeena Nabad iyo Nolol
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”