Gaduudoow, Gaaboow, Faransa, Shaarkeey, Baasuuke, Bakaay, Babaaay and co. are on their way to Kigali, Rwanda to play a soccer tournament.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------
Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta Nairobi ka amba baxay iyadoo berrina uu Kigali ka furmayo Tartanka uu ka qeybgelayo
Jimco, November 25, 2005(HOL): Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda uu ka furmo tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaasi oo ka kala imaanaya oo 11 dal oo Qaaradda Afrika ku yaala, iyadoo ciyaarta furitaankana ay ka dhici doonto garoonka Amahoro.
Dalalka Zanzibar, Rwanda, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Djibouti, Somalia, Burundi, Sudan iyo Tanzania ayaa tartankan ka qeybgelaya, iyadoo loo kala qeybgelayay laba Group oo kala ah:
Group A Brundi Zanzibar Rwanda Tanzania Eritrea
Group B Ethiopia Uganda Djibouti Sudan Somalia
Waxaa Cayaarahaan ka baaqday kooxda waddanka Kenya
Maalinta Axadda ah ayaa la filayaa in ay xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti wada ciyaaraan, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliyeedna ay maanta ka amba baxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay joogeen ilaa xalay.
Sanadkan ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ka mid ah 6 ciyaaryahan oo laga keenay dalalka Ingiriiska iyo Holland, kuwaasi oo la rajeynayo in ay wax weyn ka bedelaan qaab ciyaareedka Xulka Soomaaliyeed oo mar walba laga soo guuleysan jiray marka uu Dibadaha ciyaaro u tago.
Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya Gaduudow ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan guul ay ka soo hooyaan tartankan, isagoo taasina sabab uga dhigay in inta badan dalalka tartanka ka qeybgelaya ay yihiin kuwo Soomaaliya aan ka awood badneyn, marka la eego Jabuuti oo ay xulka Soomaaliyeed isku jir dhismeed yihiin iyo dalalka Itoobiya iyo Zenzibar oo Xulka Soomaaliyeed horay uga badiyay mar ay iska horyimaadeen.
Haddaba, waxaanu eegeynaa waxa ka rumooba hadalka Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba waxa ay soo kordhiyaan ciyaartoyda Dibadaha ka yimid ee loo keenay in ay Xulka Soomaaliyeed qaab ciyaareedkiisa wax ka bedelaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
--------------------------------------------------------------------------------------------------
Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed oo maanta ka ambabaxay magaalada Nairobi. (Nov-25-2005)
Ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta kenya iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kigaali ee dalka Rwanda.
Ciyaartooydaan oo ka kooban afar iyo toban cayaarahan oo ka yimid muqdisho iyo lix ka timid London ayaa waxa ay muujiyeen rajada ay ka qabaan in ay sanadkaan guulo ka gaaraan tartankaas, oo ay si ka wacan xiliyadii hore uga muuqdaan.
Macalinka xulka qaranka macalin Geelle isna sheegay in sanadkaan uu rajeynayo inuu guul u soo hooyo qaranka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ciyaaryahanada laga dareemi karaa niyad wanaagsan oo ay u hayaan tartankan ay xiligaan ka qeyb galaayaan.
Ciyaarta ugu horeysa ee ay yeelanayaan xulka Soomaaliyeed ayaa ah mid ay la yeelanayaan dalka Jabuuti.
Aljabra Xaaji
Nairobi-Kenya
http://www.cayaaraha.com/asp/article.as ... ew&ID=2288
http://www.hiiraan.com/news/som/2005/no ... anta25.htm
Xulka Qaranka on their way to Kigali...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- biiqaaye
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1374
- Joined: Wed Sep 22, 2004 2:59 am
- Location: Baar Ubax, Bakaaraha ii Black Sea
lol@Ina Baxar
Maya sxb magacyo xaafado maahan waa ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya neynaasahooda. Xulka qaranka soomaaliya ciyaartoydooda waligood waxeey tariiq u lahaayeen ninkastoo usoo ciyaaray neynaas caan ah inuu leeyahay. tradition waaye awoowe.
Asxaabtii hore dhan naaneys caan ah ee wada lahaayeen. guys like Sinigaal, Shaarkeey, Sheekhaaloow, qaldaan etc.
Team mamka weey leeyihiin magacyada xaafadaha inkasteeysan u wada badneen. sida Waaberi oo kale.
Ina baxar, sheekada waa u gotta have a name to play the game, awoowe.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 873 Views
-
Last post by biko
-
- 4 Replies
- 353 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 2 Replies
- 230 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 4 Replies
- 591 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 6 Replies
- 728 Views
-
Last post by GacanSareeye
-
- 17 Replies
- 1077 Views
-
Last post by BABYGIRL123
-
- 1 Replies
- 469 Views
-
Last post by Mr.Wise
-
- 4 Replies
- 741 Views
-
Last post by Cherine
-
- 8 Replies
- 1454 Views
-
Last post by bumps
-
- 8 Replies
- 1117 Views
-
Last post by Jaidi