Laba Jeeggaamood!! 2003-2010 - 2010 - Present

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Laba Jeeggaamood!! 2003-2010 - 2010 - Present

Post by KingWaslawi »

- First Jeeggaan Started in 2003 and finished in 2010, after they lose second elections: Samaroon, HY and Half of HA -
- Second Jeeggaan started in 2010, with the Alliance of HJ,HA, and Arap, they are still strong and won second elections.


Dimuqraadiyadda Somaliland waxay ku bilaabantay (2003) labba jeegaamood oo ku dhisnaa isbahaysi deegaameed (Qabiil). Jeegaanta koobaad waxay ahayd tii uu ku dhisnaa xisbigii xukuumiga ahaa ee UDUB, xisbigaas waxaa isku bahaystay oo xoogiisa ugu weyni ahaa saddex deegan oo kala ahaa AWDAL ,SAXIL iyo Galbeedka Burco. Saddexdaas deegaan ayaa hiil iyo hooba xisbigaa la garab taagna ilaa dhamaadkiisii oo ahayd markii xukunka lagaga guuleystey 2010-kii.
Jeegaanta labbaad oo ah ta caan baxdayna, waxay ahayd tii Xisbiga Kulmiye oo ay isku bahaysteen saddex deegaan oo kala ahaa Bariga Burco, Galbeedka Hargeysa iyo Baligubadle. Saddexdan deegaan ayaa xisbiga Kulmiye iyana hiil iyo hooba la garab taagnaa xiligii uu mucaaradka ahaa oo toddoba sanno ka badnayd.
Haddaba labbadii jeegaamood tii mucaaradka ahayd markii ay guuleysatay may kala tagin ee isbahaysigoodu halkii ayuu ka sii socday ilaa ay mar labbaad talada waddanka ku guuleystaan iyagoo weliba deegaamo kale oo jeegaantii UDUB ahaan jirayna cod wanaagsan ka helay. Halka Jeegaantii UDUB ay maalintii doorashada lagaga guuleystey 2010-kii ay ka burburtay oo ay tahli kari waayeen in maadaama ay xiligii ay muxaafadka ahaayeenba wadda socdeen in ay maanta (2010) oo ay mucaarad noqdeena ay halkoodii ka sii waddaan isbahaysigooda mucaaradnimo oo ay u babac dhigaan nimankii xisbiga xukuumiga noqday ee KULMIYE, sidii uu isaguba ugu babac dhigay xisbigii UDUB xiligii uu talada hayey.
Haddal iyo dhamaan dheeliga ku yimi siyaasada Somaliland waa mid ka yimi burburkii ku dhacay jeegaantii UDUB. Haddii ay mar labbaad boodhka iska tumaana miisaanka siyaasadda Somaliland wuu is ceshanayaa, haddii kalese sidaas ayuu dhinac ugu foorarayaa sannadaha soo socda!.
Illaahayow eex ma tiraabine aqoon la'aan ha igu cadaabin.

Suleyman Yusufdhakhtar.
User avatar
Futurist
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1921
Joined: Tue Aug 02, 2016 4:34 pm

Re: Laba Jeeggaamood!! 2003-2010 - 2010 - Present

Post by Futurist »

There is no such thing as Arap. There is no P in Somali alphabet
User avatar
Futurist
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1921
Joined: Tue Aug 02, 2016 4:34 pm

Re: Laba Jeeggaamood!! 2003-2010 - 2010 - Present

Post by Futurist »

Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”