Aadan Cadde
Talaado, April, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.
‘’Haa lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay VOA.
Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in ay Puntland isaga baxeen tababarayaashii Imaaaraadka isaga oo sheegay in ay dhamaanba saraakiishii tababarayaasha Iskutaga Imaaaraadka Carabta joogaan deegaannada Puntland.
‘’Dowladda Imaaaraadka waxaa ay inoo sheegeen in aysan bixin oo ay wali ku sii sugnaan doonaan Puntland, runtiina waxaa ay Puntland ka hayaan howlo aad u muhiim u ah, waxaa ay la dagaalamaan Jiriifka, waxaa ay la dagaalamaan Tahriibka, waxaa ay la dagaalamaan Al-shabaab iyo ISIS marka culeyska ay hayaan waad garan gartaan, haddii ay baxaan waxaa dhacaya waxa aad u xun’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Wuxuu sheegay in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.
‘’Wax faa’iido ah uma laha dowladda Soomaaliya bixitaan Imaaraadka waayo culeys weyn ayeey arintaa nagu keeni doontaa, Imaaraadku waxaa ay inoo tababaraan ciidamada oo ay mishaarkooda bixiyaan, waxaa ay gudaha ka fuliyaan mashaariic kala duwan oo ku kacaya Malaayiin dollar oo dhamaantood faa’iido u leh Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallo la sheegay in ay bilaawdeen labada dowladood, isaga oo intaa ku daray in Puntland rajeyneyso in la dhameeyo khilaafka iyo xasarada taagan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com
Majeerteeniya leader cawaro gaas says he wants half the money failmaajo stole from the Emirates
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1613 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 50 Replies
- 2830 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 23 Replies
- 1423 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 4 Replies
- 848 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 5 Replies
- 626 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 268 Views
-
Last post by galia2
-
- 18 Replies
- 2241 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 687 Views
-
Last post by quark
-
- 7 Replies
- 1206 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 9 Replies
- 1909 Views
-
Last post by XimanJaale