Page 1 of 1

4 years in Prison Boqor pretend Burmodow

Posted: Thu Apr 26, 2018 7:20 am
by bashe19
Boqor Cismaan Buurmadow oo lagu xukumay Shan sano oo xabsi ah
Share Tweet Email Share




Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa maanta shan sanno oo xadhig ah ku xukuntay boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo dacwadiisu socotay isagoo dibadda joogga.

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa markii la xukumay xabsiga loo taxaabay, waxaanay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku eedeysay inuu ka hor yimid qaranimadda Somaliland, isla markaana ay dacwadiisa dhibanne ka ahaayeen qaranka Somaliland.

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ka mid ahaa madax dhaqameed ka qaybgallay xaflad caleemo saar madax dhaqameed ka dhacday deegaanka Puntland, waxaanu halkaasi ka jeediyey hadalo siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen in ciidamda Somaliland iyo Puntland la kala qaado iyo inuu sheegtay inuu ku hadlayo magaca madaxweynaha Somaliland oo xeer ilaalintu tilmaamay inay khalad tahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Re: 4 years in Prison Boqor pretend Burmodow

Posted: Thu Apr 26, 2018 11:08 am
by Adali
guul somaliland he deserves 10 years