Page 1 of 1

Alshabaab attacks Ethiopian troops in bakool regions

Posted: Fri Jun 08, 2018 2:55 pm
by Khalid Ali
Alshabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Ethopia iyo Kuwa Dawlada ku leeyihiin deegaanka Waajid
June 8, 2018 - By: Mohamud Nadif

Shares




Warar kala duwan oo laga helayo deegaanka waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu halkaas ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka waajid

Dagaalkaan oo la sheegay in uu socday saacado badan ayaan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, balse waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dawlada Federaalka ay iska difaaceen.

Alshabaab ayaa sheegatay weeraro kala duwan oo bisha ramaadaan lagu qaaday fariisimo kala duwan oo ay ciidamo ka tirsan dawlada iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ay ku lahaayeen gobolo ka tirsan koonfurta soomaaliya.

Horseed Media

Re: Alshabaab attacks Ethiopian troops in bakool regions

Posted: Mon Jun 11, 2018 9:09 am
by theyuusuf143
Wiiga danbena kenya bay cunayan . KDF iyo dhabayacada wax xabada kaga macaan weligay maan arag video ga ay alshabab ka duubtay ceel cade iyo galgala aad baan uga maxay siday u galeen. Nacala aabihin ku yaal alshabab waa team adag . Dawladeenu budget dheerada haw qorto iyo weliba baad si aysan inoogu soo jeesan beladu.