ah
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku casuumay qaar kamid ah ardaydii ka qalin-jabisay dugsiga ABAARSO, macallimiinta iyo xubnaha guddida waalidiinta dugsigaas.
Maamulka iyo gudida waalidiinta dugsiga Abaarso ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kaalinta uu dugsigoodu kaga jiro waxbarashadda, iyo in arday ka baxda waxbarasho dibadeed ka helaan jaamacado badan oo dibadda, kuwaas oo darajooyin sarsare ka galla jaamacadaha la geeyo.
Xamse Faysal Caabbi iyo Ubax Cabdi Cali oo kamid ah ardaydii hore ugu baxday Dugsiga Abaarso oo waqtigan waxbarasho ugu jira jaamacadaha dibadda, ayaa sheegay inay aqoon iyo cilmi noloshooda saamayn ku yeeshay ka barteen dugsigaas, iyaga oo arday kasta oo waxbarasho dibadeeda u baxana ka codsaday in wixii uu soo bartay uu dadkiisa iyo dalkiisa dib ugula soo noqdo.
Madaxweyne Biixi ayaa si weyn ugu mahadceliyey maamulka, ardayda, waalidiinta iyo guddida dugsiga Abaarso, waxana uu sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay si buuxda u garab taagan yihiin dugsigaas, maadaama uu soo saarayo arday aqooddooda aqooneed ku muujiyey jaamacadaha dibadda ay ay tagaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ardayda waxan ku hambalyeynayaa dhibcaha wanaagsan ee ay keenaan marka ay jaamacadaha dibadda tagaan iyo sharafta ay soo hooyaan, waddada ay guusha u marayaan, sida ay u dedaaleen, dhibaatooyinka ay arday ahaan marayaan iyo halka ay ka gaadheen ee ah jaamacadaha ugu waaweyn adduunkana aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa, Dugsiga Abaarso iyo maamulkooda si mug leh baanu ula shaqaynaynaa dhinac walba.”
Dugsiga Abaarso oo ku yaalla duleedka magaalada Abaarso oo dhinaca galbeedka kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxaa wax ka barta Arday tiro badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo marka ay dhammaystaan waxbarasho ka hela jaamacadaha ugu magaca weyn dunida ee ay kamidka yihiin YALE, Connecticut Massachusetts( MA), HARDVARD, COLOMBIA New York(NY), BROWN, Rhode Island iyo Amherst, waxana ardaydan uu madaxweynuhu la kulmay ay isugu jiraan kuwo soo qalin jabiyey oo dalka kusoo laabtay, qaar waxbarashadoodii ku dhex jira iyo kuwo haatan tegaya.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Somaliland govt sends more students to American universities abaarso teck
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Somaliland govt sends more students to American universities abaarso teck
Are they playing the LBGTQ card? 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 17681
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: Somaliland govt sends more students to American universities abaarso teck
Congratulations and the presidentity will increase both their budget and security from the state. The school has 20 security personel this needs to be upgraded .
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Somaliland govt sends more students to American universities abaarso teck
Titleka badal - The Somaliland Government did not send anybody anywhere
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1233 Views
-
Last post by mahoka
-
- 59 Replies
- 3133 Views
-
Last post by KingMJ
-
- 2 Replies
- 397 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 0 Replies
- 1956 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 12 Replies
- 636 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 408 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 321 Views
-
Last post by Mosliima
-
- 9 Replies
- 804 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 684 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 400 Views
-
Last post by bumps