pg 58 - Due to his height, Xirsi is assumed to be a child and is not allowed to train with the SNM

pg 59-60: Xirsi goes into detail about his infamous experience of being run over by a tankHabuura oo tallowga gudaha Itoobiya ah ayaannu ugu tagnay ciidammadii SNM, ka dibna waa nala qaabbilay waxa nala geeyay Eegi oo ciidammada Dhibooga lagu ururinayo. Waxa jiilkaasi ahaayeen filkii caanka ku ahaa ee la odhan jiray Geel dhoobo galay markii aan anigu imid waxa igu dhacday in la i yidhaahdo “Da’daadu way yar tahay” maadaama oo aan nin yar ahaa isla markaana aan gaabnaa. Nis yaridaydii iyo gaabnidu waxay igu sii kordhinayeen culays. Ka dibna waxa la igu war-geliyay inaan da’yarahay oo aan la i qoraynin ciidankii dhibbooga ee Awaare la geynayey.

This book is so funnyIntii uu ku mashquulsanaa xagga saaxiibbaday oo bidixda iga xiga ayaan u weydaartay xaggii kaynta, ka dibna laba geed markii aan dhaafay, ayaan geedkii saddexaad oo ahaa qansax noocan cufan ah, isku qari is idhi, balse wuu arkay, xaggayga ayuu u soo xawaareeyey, markii uu shan mitir qiyaastii ii jiro, inta aan quustay ayaan dhulka isku dhejiyay, indhaha isku qabtay wejigana dhulka dhigay, dabadeedna geedkii iyo anigaba wuu isku kaaya jiidhay. Nasiibkayga .waxa Alle igu beegay beerkiisa, taayirkii silsiladda lahaana wuxuu iga maray gacantayda bidix inta hore ee baabacada oo i burburtay, iyo waxyeelo kale oo iga soo gaadhay geedka uu igu cadaadiyay, iima se tudhin’e Allaha Weyn baa mar kale ii daystay.
Hase yeeshee, markii uu i jiidhayay taangigaasi, waxa i arkayay oo qiyaastii meel 7/8 mitir u jirtay isna geed ku gabbanayay ninka la yidhaahdo Jaamac Rayte oo reer Burco ahaa oo ciidankayaga ka mid ahaa, balse Jaamac nololba iguma tirinayn oo wuxuu arkayay taangigii oo hoosta i gashaday.
Waxa kale oo iga ag dhowaa gaadhi jiib ah oo ay markii hore ciidankayagu ugu talo galay inuu gubo taangiga, balse la waayay xabbaddii.
Markii uu taangigii i dhaafay, waxa san-qadhayda maqlay Jaamac Cawil Oogle “Jaamac Rayte”, isla markaana dareemay inay naftii igu jirto. Sanka iyo afkaba dhiig ayaa iga yimid.
Mr. Jaamac Rayte, waxa uu igu yidhi “Waar ma nooshahay”. Waxaanan ugu jawaabay “Waar waan noolahay’e kaalay geedka iga saar”.
Balse waxa uu yidhi. “Kaarihii kale ayaa soo socdee iskaga jir geedkaaga ha ina dhaafee”.
Wax yar ka dib, waxa uu igu yidhi “ka soo bax geedka”, balse dhawaac gacanta iga gaadhay awgeed waxaan u baahday cid i caawisa, waxaana i caawiyay nin la yidhaahdo Maxamed Faarax Guud-cadde. Waxaana markiiba la i saaray gaadhigii dhaawac oo UD ahaa kaas oo la igu geeyay xaruntii dhaawaca.
