Abwaan xeef : waxan ka cabanaya halkaa hortayda dudumo baa kutaal shinni baa ku jirta, waxan dawlada ka codsanayna inay malabka noo soo saarto illeen wuxu waa dudumo oo dawlad uunba ridi kartee.
Abwaan : caqaayad waar adna ?
Madoobe : anigu niyaw waxan gurigayga u geli waayey laba geed oo garanwaaya oo aan jirridooda hore loo arag baa iga hor baxay, gudin iyo daab dawladeed ilaa la helo waxba kama qaban karo. Dawladu wasiir iyo ciidan garanwaaga iga gooya hasoo dirto, illeen wax kale umaanu doorane.
Ku kale oo mesha fadhiya : anigu nimanyaw gaadhaan lahaa geerboxkii baa iga lumay. Xafiis kasta waan tegay si geerbox kaa laygu sameeyo. Dawladu haday bahalkaa noo samayn waydo yeysan nagu tashan .


