Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
BestPlaya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1924
Joined: Wed Apr 26, 2017 6:29 am

Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by BestPlaya »

bestplayer randomly meets a poet on Facebook


Ina Cali is a young poet .I randomly meet him in Daarood community group post .Someone else posted a question that read "tell the clan of your paternal grandfather's mom " As I was going through the comment section before I dropped my own comment ,a young guy wrote that his ayeeyo is Biciide ,Axmad Faarax.That attracted my attention for a sec since that was uncommon in that particular group .I decided to interact with the guy. .Lovers of Somali poetry will undoubtedly see this as quite interesting.


BESTPLAYA

. Dhagartii Axmad Faarax iyo Iidle kala gaa dhay

Ee reerahaa dhumucda wayn ,dhaaxo isku riiqday

Ma dhamaysay taarikhdaa hore , adaa dhiig biiciide lehe ?



INA CALI


Waligeedba duul wada dhashay ,belo dhex meertaaye
Dhiiga Axmad iyo Iidle ,waa dhowrsanaan jiraye
Anna qaylo dhaan ma maqal ,dhamac rasaaseede
Dhiilo wayn ma ahayn ,waxaad dheeho leedahaye
Iska dhamaatay oo caanahay wada dhamayaane




BESTPLAYA



Waxay caanaha haatan wada dhamaan,nabad dhex joogaanba

Waxay dhiillada coladeed dhinac isaga turaanba

Waxay dhiigii hore iyo , dirir dhaameeyaanba

Waxay haatan dhawaystaan nabada ,u dhaga nuglaadaanba

Waxay dhalashada Faaraxiyo wadaagan , dhudaha Iidoora

Dhaaxay aduun hore, dhagta iska saareene


Last edited by BestPlaya on Fri Mar 15, 2019 4:25 pm, edited 1 time in total.
User avatar
BestPlaya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1924
Joined: Wed Apr 26, 2017 6:29 am

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by BestPlaya »

INA CALI



Warkiyo dhambaalada tixdiyo ,dhan ugu sheekaynta

Nimaad dhalashadii garanaysaa,lala dhameeyaaye

Dhib adoon u arag ,haybtu waa dhaqamadeeniiye

Somalida oo dhaniba waa dad isusoo dhaw e

Dhinecee horta ahayd ,anaa kuu dhamaystiriye ?






BESTPLAYA


Ogaadenka dhabille iyo xiga aaga dhagaxbuura

Dhashii Ree isaaq baan haybsadaa , dhalashada guude

Hoos hadaan u daadegana waxaan ahay dhuuxa Guuleeda

Adiguna dhankee tahay maandhow,haybta dhaladkaaga ?

User avatar
BestPlaya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1924
Joined: Wed Apr 26, 2017 6:29 am

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by BestPlaya »

INA CALI


Dhagaxbuur hadaa shegatiyo dhalad Ogaadena

Ree Isaaqna uga dhaadhacdoo dhab ugusoo foofto

Oo aad dhamayskii iyo tahay dheega ree Caliya

Aniguna Hartaan dhinacsadaa oo kusoo dhiciye

Warsangeliga badhan dhooban iyo dheega Laasqoraya

Cumar baan usii dhaafayaa oo ku dhaadhiciye



BESTPLAYA



Dheeli tirka maansada ,sidaa ina caloow dha'da ooga sheegtay

Dhabaqsigu ma fiicnee ,sidaa dhabta u abbaartay

Dhalanteed ma aadan tirin saaxiib ,dhaadhan warkiisiiye

Dhaladkii hartaa hayb gashaa ,dhahar rageediiye

Dhoomahooda waawayn ayaad ,u dhaban wacnaydeene

Anna Abwaan dhamaystiran qiray, inaad dhaaxo ku sifoowday

User avatar
BestPlaya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1924
Joined: Wed Apr 26, 2017 6:29 am

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by BestPlaya »

INA CALI
Image
User avatar
DalJecel60
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1767
Joined: Sun Nov 27, 2016 3:19 pm

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by DalJecel60 »

Waa Murti aad iyo aad uu sharaf badan, oo uu xikmad badan.
Rag rag dhaafay baynu nahay iyo dhaladka daarood'e
User avatar
DalJecel60
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1767
Joined: Sun Nov 27, 2016 3:19 pm

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by DalJecel60 »

Durba Waanka tagay maanso iyo Dhamaciis Dheeraaye'
dulqaata mid baan soo dalacayaaye'
Dadkay hadaan ku baro iyo Dhankaan ka soo jeedo
Gacaladii Daarood baan uu dhaadhaaca iyo dhinacaase'

Dhaqan niman uu leh, soo dhoweyn mudan
Dhulkaas nimanka nala wadaago Dalankaan soomaali
Xididka waan la dhawrnaa iyo Xeerka dadkeena
durbaanada dagaal hadey yeedho
Dumarka iyo dhalinta waan difaacnaye
Dhamaan soomaali maxamad iyo shantu duqa dhaleyba (Daarood)
User avatar
Sharmarke91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1511
Joined: Wed Jun 17, 2015 8:20 am

Re: Besplaya randomly meets a poet on Facebook

Post by Sharmarke91 »

"Rag rag dhaafay baynu nahay iyo dhaladka daarood'e"

:clap: :clap:
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”