



The animosity between the Somalis and the Ethiopians has reached a wider field, literally the football pitch. This will certainly make things worse for those harbouring the Ethiopians as friendly neighbours.
Ciyaartii Xulka Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku dhamaatay dagaal fool ka fool ah oo dhex maray ciyartoodii labada dal
Ciyaar ayaa maanta waxey dhex martay labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya tasoo la dhihi karo waa ciyaartii ugu xumeyd oo dhex marto labada oo Afrikaan ah .
Labada Kooxood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeyso cadaawad soo jireyn ah tasoo keentay markii ay ciyaartii dhamaatay in uu bilaawdo dagaal ka fool ka fool ah iyadoona dagaalkasi dhexmaray xulka Soomaalida Iyo Itoobiyaanka uu keenay dhawacyo Culus.
Ciyaarta maanta ayaa ku soo gabagabootay 3 iyo 1 oo guusha ku raacday dalka Itoobiya
Waxii ka soo kordha kala soco dayniile
Cayaaraha.com
Xulka qaranka Soomaal ayaa maanta cayartoodii ugu dambaysay ee bariga iyo bartamaha ku dhamaystay foolxumo ka dib markii ay dagaal mid ka mid ah la galeen xulka reer Ethiopia inkastoo gacanta lagu bilaabay cayaartoy ka tirsan xulka Soomaaliyeed.
Ka dib markii uu garsoorihii cayaartu yeeriyey siirigii dhamaadka ayaa cayaartoygii lambarka 5aad u sitay xulka Ethiopia feer gaadma ah ku dhuftay cayaaryahankii lambarka 10 aad u sitay xulkeena taasoo uu dhulka kula dhacay ka dibna ay cayaartoydii Soomaaliyeed mid waliba kii Ehtiopian ka ahaa ee u dhawaa gacanta u qaaday taasoo keentay in cayaaryahan ka tirsan xulka Ethiopia dhaawac culus gaaro ka dibna isbitaalka loola cararay.
Falkan oo ay guddiga fulinta ee CECAFA ka fariisan doonaan maalinta berrito ah ayaa laga cabsi qabaa in uu ganaax noo keeno taasoo dhibaato ku sii noqon karta xulkan hadda asagu meesha is keenay oo aan haysan dhaqaalo lagu kabo ay hadana ku adkaan doonto sidii uu ganaax lacageed u bixin karo.
Si kastaba ha ahaatee waxaa lagama maarmaan ah in cayaartoydu ilaaliyaan sharafta dalkooda inkastoo aan wada ogsoonahay colaadda dhexdeena ah.
Maxamuud Ismaaciil. Cayaaraha-London