159 members from the failed Federal Parliament answer to al shabab and go back to their cities,lol

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

159 members from the failed Federal Parliament answer to al shabab and go back to their cities,lol

Post by ramzy2277 »

They didnt even wait until the ultimatum due date... :lol:






Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaacisay tirada rasmiga ah ee illaa iyo hadda isa soo diiwaangelisay, kadib markii 15 bishan ay amar culus dul-dhigeen Odayaashii soo xulay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in 159 Oday ay iminka is- diiwaangeliyeen, kuwaas oo tegay deegaanadooda.

Haddaba Odayaashee ugu badan liiska ay soo bandhigeen Al-Shabaab?

Ergada ugu badan ee iska diiwaangelisay goobaha Al Shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa ah kuwa maamulka HirShabelle, iyagoona gaaraya 53 Oday.


Maamullada kale marka la eego waxaa Hishabelle ku xigo Koonfur Galbeed oo deegaanada Al Shabaab ay iska diiwaangeliyeen 40 Oday Dhaqameed, halka maamallada Jubbaland iyo Galmudug ay iska diiwaangeliyeen min 33 Oday.

Is-diiwaangelinta ergadan oo gaareyso 159 ayaa waxa ay imaaneeysaa, iyadoo weli mudo bil ah ay ka harsan tahay waqtigii Al-Shabaab ay u qabteen in dhammaan ay isku soo diiwaangeliyaan Odayaashii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya
......... :pac:


Arrintan ayaa dhabar jab ku ah qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso in 2020-ka illaa 2021-ka la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Go’aanka Al-Shabaab ee dhaqan galay ayaa sidoo kale wuxuu muujinayaa, sida ay weli ugu xoogan yiihiin gudaha Soomaaliya, marka laga tago weerarada ay mararka qaar ka geystaan gudaha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.
https://www.caasimada.net/maamulkee-kas ... l-shabaab/

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”