Gudoomiye Ciro oo cisbitaalka ku booqday Fanaanad Maryan Mursal
Axad, September, 22, 2019 (HOL )– Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday.
Fanaanada Maryal Mursal oo la socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa diyaaradda dhexdeedii ku xanuunsatay ka dib markii faalug sanifay, taas oo sababtay in Xinjir fadhiisato Madaxa, inkastoo dhakhaatiirtii socodsiiyeen Xinjirtii dhiiga ahayd oo ay hadda xaaladeedda caafimaad fiican tahay.
“Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taas oo dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay cisbitaalkan, hadda waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa balse lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays I ah”ayey tidhi Maryan Mursal oo ka hadlaysa xaaladeeda caafimaad.
Sidoo kale, waxa saaka booqday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo uu wehelinayo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun.
Fanaanadda Maryan Mursal ayaa u mahad celisay booqashada gudoomiyaha waxayna sheegtay inuu yahay masuulkii ugu horeeyey ee madaxda Somaliland ka tirsan ee cisbitaalka igu soo booqda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland.
Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
- Timiro1999
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2765
- Joined: Thu Dec 03, 2015 7:45 am
Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa
ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.
Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa
love wax ka fanaan jecel. hada haduu maryal mursal lagu badli lahaa Ina Biixi intay bisiqnta soo feedho ayay sheeko ka bilaabi lahayd.. waar horta yaa ilaahay yaqaan ...Timiro1999 wrote: Sun Sep 22, 2019 4:33 am ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1927
- Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm
Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

- Timiro1999
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2765
- Joined: Thu Dec 03, 2015 7:45 am
Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa
X.Playa wrote: Sun Sep 22, 2019 2:52 pmlove wax ka fanaan jecel. hada haduu maryal mursal lagu badli lahaa Ina Biixi intay bisiqnta soo feedho ayay sheeko ka bilaabi lahayd.. waar horta yaa ilaahay yaqaan ...Timiro1999 wrote: Sun Sep 22, 2019 4:33 am ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.
Xaarplaya markaad aniga oo wax qoray aragtid ayaad waalataa, waalidaadii hore ayay mid kale kuugu sii darsantaa.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 37 Replies
- 62386 Views
-
Last post by sahal80
-
- 2 Replies
- 457 Views
-
Last post by Unclebin
-
- 49 Replies
- 4092 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 22 Replies
- 5594 Views
-
Last post by Typhoon
-
- 7 Replies
- 813 Views
-
Last post by Warabaha
-
- 97 Replies
- 5577 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 2 Replies
- 2458 Views
-
Last post by PanSomaliNationalist
-
- 0 Replies
- 753 Views
-
Last post by smartyt
-
- 1 Replies
- 640 Views
-
Last post by The_Emperior5