Page 1 of 1

Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

Posted: Sun Sep 22, 2019 3:56 am
by Khalid Ali
Gudoomiye Ciro oo cisbitaalka ku booqday Fanaanad Maryan Mursal




Axad, September, 22, 2019 (HOL )– Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday.


Fanaanada Maryal Mursal oo la socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa diyaaradda dhexdeedii ku xanuunsatay ka dib markii faalug sanifay, taas oo sababtay in Xinjir fadhiisato Madaxa, inkastoo dhakhaatiirtii socodsiiyeen Xinjirtii dhiiga ahayd oo ay hadda xaaladeedda caafimaad fiican tahay.
“Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taas oo dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay cisbitaalkan, hadda waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa balse lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays I ah”ayey tidhi Maryan Mursal oo ka hadlaysa xaaladeeda caafimaad.

Sidoo kale, waxa saaka booqday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo uu wehelinayo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun.

Fanaanadda Maryan Mursal ayaa u mahad celisay booqashada gudoomiyaha waxayna sheegtay inuu yahay masuulkii ugu horeeyey ee madaxda Somaliland ka tirsan ee cisbitaalka igu soo booqda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland.

Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

Posted: Sun Sep 22, 2019 4:33 am
by Timiro1999
ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.

Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

Posted: Sun Sep 22, 2019 2:52 pm
by X.Playa
Timiro1999 wrote: Sun Sep 22, 2019 4:33 am ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.
love wax ka fanaan jecel. hada haduu maryal mursal lagu badli lahaa Ina Biixi intay bisiqnta soo feedho ayay sheeko ka bilaabi lahayd.. waar horta yaa ilaahay yaqaan ...

Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

Posted: Sun Sep 22, 2019 2:54 pm
by cheifaqilbari
:up: I really like her wa qof weyn oo La jaan qadaa qolo kasta. Hope she gets fast treatment, stroke wa khatar had daqso laga gaadhen.

Re: Ciiro wadani leader visits maryam mursal who became sick in hargeisa

Posted: Mon Sep 23, 2019 8:18 am
by Timiro1999
X.Playa wrote: Sun Sep 22, 2019 2:52 pm
Timiro1999 wrote: Sun Sep 22, 2019 4:33 am ILLAAHAY caafimaad degdeg ah ha siiyo Maryan Mursal iyo intii kale ee umada islamka xanuunsanaysa.
love wax ka fanaan jecel. hada haduu maryal mursal lagu badli lahaa Ina Biixi intay bisiqnta soo feedho ayay sheeko ka bilaabi lahayd.. waar horta yaa ilaahay yaqaan ...


Xaarplaya markaad aniga oo wax qoray aragtid ayaad waalataa, waalidaadii hore ayay mid kale kuugu sii darsantaa.