Oparetion Beledweyne has kick start

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Oparetion Beledweyne has kick start

Post by bashe19 »

Home MUQDISHO Qatar oo dowlada Somalia ku wareejisay doonyo, cagafyo iyo gaadiid (Sawirro)
Qatar oo dowlada Somalia ku wareejisay doonyo, cagafyo iyo gaadiid (Sawirro)
By Caydiid Ali -November 13, 2019



Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah.

Dowladda Qatar oo xilliya badan oo dhibaato adag jirtay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buuxda u taageeray, ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, uuna ka dhexeeyo iskaashiga dhaqaale iyo amni, waxayna mashaariic badan oo horumarineed ka wadaa gudaha dalka.



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.co
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”