Muqdisho oo amni laga dareemayo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Muqdisho oo amni laga dareemayo

Post by Murax »

:som: :up:



Muqdisho oo amni laga dareemayo iyo Shabaab oo wajahaya guul darrooyin
November 18, 2019
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ma jirto xili ay Muqdisho ka amni wanaagsan tahay markii loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay waxaana sii xogeysanaya guulaha ay gaareen ciidamada amniga Soomaaliya.


Ciidamada amaanka oo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa ku guuleestay in magaalada ay ka joojiyaan weerarada Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray, islamarkaana lagu beegsan jiray xafiisyada dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleestay in ay joojiyaan weeraradii ay fulin jireen kooxihii gaadiidka watay ee dadka ku hor jari jiray, iyadoo hadda sidoo kale guulo waa wayn ay ka gaarayaan ka daba tagga dilalka qorsheysan oo ay Muqdisho ka geestaan Al-Shabaab.


Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada amaanka waxay nolasha ku soo qabteen 4 dagaalame oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo gacanta kula jiray dilal iyo weeraro ay qaadeen halka ay sidoo kale dileen hal dagaalame oo Al-Shabaab ah.

Ciidamada amaanka ayaa Wadajir ku qabtay laba dhagar qabe oo dilay Allah ha u naxariistii Askari ka tirsanaa Ciidamada amaanka. Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe Al-Shabaab ah oo isla todobaadkaan dil u geestay Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya waxa uuna falkaasi ka dhacay Xaafadda SII SII ee magaalada Muqdisho.


Talaabadii ugu dambeysay oo ay qaadeen ciidamada amaanka ayaa aheyd kadib markii habeen hore ay nolasha ku qabteen laba dagaalame oo Al-Shabaab ah kuwaas oo weerar ku soo qaaday xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana soo bandhigay saraakiisha amaanka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa in kabadan 100 maalmood ku jirta daganaansho amni iyo dareen soo kabasho ah markii loo eego bilo ka hor.


Maxaa sababay in Al-Shabaab looga adkaado Muqdisho

Magaalada Muqdisho muddo badan qaraxyo kama dhicin, gaar ahaan kuwii lagu weerari jiray xarumaha Dowladda iyo kuwii kale ee baabuurta looga xiri jiray saraakiisha Dowladda ka tirsan iyo kuwa kale oo shaqaale hey’adeed ahaa, sidoo kalana waxaa la yareeyey dilalkii ka dhici jiray Magaalada.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Muqdisho oo amni laga dareemayo

Post by AbdiWahab252 »

Don’t jinx it warya!
Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Muqdisho oo amni laga dareemayo

Post by Nubis »

^Lol.
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: Muqdisho oo amni laga dareemayo

Post by gobdoon »

Good , let the city breath
Belayada iyo shayadiinta alaha ka dulqaado
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”