Page 1 of 1

Dalkeena Soomaaliyeed

Posted: Wed Nov 20, 2019 3:44 am
by DalJecel60
Salkii Calankayaga
Cadaankiyo Xidigta Lihiyo
Aroortiyo Caweyskaba
Cirka Sare Bad Surantahee
Cirifkiyo Bogaad Ku Taal
Caziizkaan Codsanaye
Cadceedi dhacdiyo
Waagi Curataba
Cawaalow ha Dhicin


Caynkii Soomaaliyed
Codkaro iyo Haween
Ciroole iyo Wiil Yar
Caadil baa kusiiyo
Caziizkaan Codsanaye
Cadceedi dhacdiyo
Waagi Curataba
Cawaalow ha Dhicin

Caalim iyo Macalin
Caruurta soo kobcisa
Duruustii naga curyaamey
Cuduudena Baaxada lahayd
Awoodeen Soo Ceshoo
Caadil baa kusiiyo
Caziizkaan Codsanaye
Cadceedi Dhacdiyo
Waagi Curataba
Ciiltirow Calankayaga
Cawaalow ha Dhicin