Carraabiye (Iidoor poet) vs Seedyare (OG warrior)
Moderator: Moderators
Carraabiye (Iidoor poet) vs Seedyare (OG warrior)
In dhawaale anigoo wahsaday gabayna aan waabshay
Afkaygaa tix iga soo wanjalay labadan weedhood'e
Iga wari colaadow dhulbaa loo wadhfinayaaye
Sidii weere adhi kayn cidla ah dhab ugu weeteeyay
Jaahiilkii ku waadaaliyee waranka kuu qaatay
Wuxuushkii absame maaruqee kaga wadhaac siiyay
Waabaydiyo dhunkaashay cagdheer wada cantuugaysay.
Wax u dhigan wixiinii khalqigu waana may arage
Cabdigii wadeecada ku baday wadhina kuu gaystay
Muusuhu ka wacan jeel haduu wax u taxaabaayo
Re: Carraabiye (Iidoor poet) vs Seedyare (OG warrior)
Maybe the dooro guy can make a new poem about your Kenyan masters and how they are better than your old Ethiopian flame
Re: Carraabiye (Iidoor poet) vs Seedyare (OG warrior)
Waxaa tixdaa tiriyay mid iidoor ah , Arap.mahoka wrote: Wed Nov 27, 2019 11:28 am Maybe the dooro guy can make a new poem about your Kenyan masters and how they are better than your old Ethiopian flame
Sheekada jajabanta sacsacmuuse intaad iska dayso ka bogo jawaabta aan siiyay
In dhawaale waataan ka hadhay, wadhafkii Suugaane
Weedhiyo ma celin tixdii, lay wakiishadaye
Eegaan se wacaal kay lahayd, kaga wagaac siine
Waxaad ina Caraaboow ,gabay walaaqdaaba
Waa iyo goor wuxuu ,wahab ku saarnaaba
Waakaa wadad hore sidiisii ,aad soo wakaalataye
Weer iyo abeeskuba waa wada wuxuushtiiye
Wax yeeladay hayeeshee kala wakiisheene
Waxba se isma dooriyaan wadar ahaaneede
Dhaaxuu walaac na baday ,cabdigii waallaaye
Ma ladin wiilashii Ogaadeen , wanjalintiisiiye
Wax dhaaxuu na baday mur iyo waabeey e
Muusana wadaad buu ahaa wixilloo ba'ane
Waab buu iidoor ku xiray waana loo marage
Nimankii wataataca lahaa wufuuda habaryoonis
Nimankii Waran-galka ahaa WAYD iyo Ceynaanshe
Waakaa uu ka dhigay wecel sidiisiiye
Wareer baa maandhoow ka yimid wadankii Iidoore
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by Seedyare
-
- 4 Replies
- 655 Views
-
Last post by Seedyare
-
- 21 Replies
- 3253 Views
-
Last post by new-york24
-
- 16 Replies
- 1583 Views
-
Last post by BestP
-
- 0 Replies
- 548 Views
-
Last post by original dervish
-
- 6 Replies
- 1957 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 8 Replies
- 566 Views
-
Last post by lost-chick
-
- 14 Replies
- 1003 Views
-
Last post by GANG Green
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by ARE_U_SICK
-
- 10 Replies
- 406 Views
-
Last post by Paddington Bear

