Gabay
Moderator: Moderators
Re: Gabay
gabaygu waa suugaanta somalida nooca ugu sarreeya .Gabaygu waa aftahanimo , hadal dheeli tiran oo farshaxan lagu nashqadeeyay .
Gabyaa ama abwaan waa qofka tiriya tixaha gabay.Gabyaa kasta waa abwaan balse abwaan kasta maaha gabyaa.
Gabaygu wuxuu ugu sarreyaa suugaanta kala gadisan ee somaliyeed .Sida tan hose ayeey sugaantu ukala horaysaa xaga maqaamka
1.Gabay
2.Geeraar
3.Jiifto (Hees)
4.Dhaanto
5.Saar
6.Heello (Buraanbur)
examples of poetic lines
Daraatoole iyo Faafaan oo wada duraabaaya (Calidhuux)
Haadaaqsi gabay waayo dheer haanso ma lahayne (Salaan]
Caliyoow dabuubtaada, daainkaa wadaye (Qamaan)
Bal muxuu asiibbaa wadaye ,Arap-na doonaayey (Ina dage)
examples of Geeraar
Hadaan gooha amaano
gees-la-kooyda riyaad iyo
ninkii giir-yar lahaa
armuu ciil la go'aa? (Cabdi gorod)
Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay
Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja! (Salaan)
Gabyaa ama abwaan waa qofka tiriya tixaha gabay.Gabyaa kasta waa abwaan balse abwaan kasta maaha gabyaa.
Gabaygu wuxuu ugu sarreyaa suugaanta kala gadisan ee somaliyeed .Sida tan hose ayeey sugaantu ukala horaysaa xaga maqaamka
1.Gabay
2.Geeraar
3.Jiifto (Hees)
4.Dhaanto
5.Saar
6.Heello (Buraanbur)
examples of poetic lines
Daraatoole iyo Faafaan oo wada duraabaaya (Calidhuux)
Haadaaqsi gabay waayo dheer haanso ma lahayne (Salaan]
Caliyoow dabuubtaada, daainkaa wadaye (Qamaan)
Bal muxuu asiibbaa wadaye ,Arap-na doonaayey (Ina dage)
examples of Geeraar
Hadaan gooha amaano
gees-la-kooyda riyaad iyo
ninkii giir-yar lahaa
armuu ciil la go'aa? (Cabdi gorod)
Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay
Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja! (Salaan)
- LeJusticier
- SomaliNet Super
- Posts: 8463
- Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
- Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka
Re: Gabay
Geeraar is toughest I think.
Re: Gabay
Gabay and geeraar are both tough , but still gabay requires a high standard of rythm to achieve harmony and flow.
Re: Gabay
examples of Jiifto .Hees is a freestyle jiifto
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
PARIS adaan tegin
Ama BOON ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
(Hadrawi)
Cunfi lagu hungoobiyo
Colaad lama agjoogee
Camal baa la yeeshaa
Wixii caadi kuu tara (seedyare)
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
PARIS adaan tegin
Ama BOON ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
(Hadrawi)
Cunfi lagu hungoobiyo
Colaad lama agjoogee
Camal baa la yeeshaa
Wixii caadi kuu tara (seedyare)
Re: Gabay
Arguably one of the greatest geraars of all time .Sayiyd .M.C.xasan recited this one for his xiin finiinn .The said combat tested horse belonged to the finest horse breed in Somalia called 'is-xal '
Xay guduudan la moodyow,
Xamar weeye korkiisu,
Waa xiddaayad sideedee,
ma xariir cusub baa?
Afku waa xol-xolkaasoo,
Ilka loo xanafeeyuu,
Xakamaa la dhacaayee,
ma xandaad bir tumaa?
Bacaarka xolkiisiyo,
sanka xiifta ka yeeri
Wiyil loo xanafeeyoo,
Xaryamaaya miyaa?
Hadduu qaylo xakaaraa,
Xaryankeeda dhegaysto,
Dheguhuu xukinaayo,
xawdh la taagay miyaa?
Surka xaafadda weynluu,
Xulkiyaa hojiyaa,
Xaddii weeye dhexaade,
Xakab loola miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo,
waa xayaaba galbeedoo
Waa xareed midabkeede,
Xinni tay ah miyaa?
Dusha xaarad bannanoo,
Xasil loogu fariisto
Xagna looga dhacaynoo,
Xukumaysan miyaa?
Fanku waa xaraf weynoo,
Xawaal weeye korreysee
Gumburkii Xalimeed iyo,
Xaaridheer miyaa?
Qanaantuu xarfinaayoo,
Xiisaddeeda lulaayo
Xin xabbaas ka karaayiyo,
Xusur dheehan miyaa?
Haddaan xeebta ka fuulo,
Ximan reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye,
Xanfar duuli miyaa?
Anna lay xaradhaami,
Asna xerya ballaaran ,
Xariir loogu shubaaye,
Xilka-dhawrsi miyaa?
Haddaan qoofal xigoodaa,
Xaafidaad ugu dhaado
Xurguftuu dhutiyaayo,
Naafo xuurrin miyaa?
Haddii layga xubeero,
Xididdow bixin maayaan
Xabeebtiisa ku raagiye,
Xabbadkayga miyaa?
Xaya waaga salaadda,
Haddaan oodda ka xaydo
Xareedkuu gurxamaayo,
Ma Iiddoor xuja laa?
Haddaan guuro xabiirro,
Xawaadeenka dhacaayuu
Xijaab iiga dhigaaye,
Xuddur awdan miyaa?
Haddaan xuurto baqoollo,
Xor dallaala sideeduu
Xanfigiigga ceshaaye,
Xaaxi layra miyaa?
Xiito meelay ka fooftay,
haddii weerar la xuubsho
Waa xufoo lama gaaree,
Ma dhashii IS-XUL baa?
Hadduu xoolo gelaayo,
Magaan waa xannibaado
Xarraan waa isxiraaye,
Xiddig duusha miyaa?
Taxaabaa ima xiisoo,
Dibna iima xabbaasoo
Horuu ii xorxoraayee,
Ma xayuunta baraa?
Goortuu soo xaryamaayo,
Xayigii daba jooguu
Xalqadeen ku dilaaye,
Ma wad loo xukumaa?
Hadduu soo xallinaayo,
Xiiso aan u qabnaa baan
Loogu xeebanayaaye,
Ma xays noo da’ay baa?
Xay guduudan la moodyow,
Xamar weeye korkiisu,
Waa xiddaayad sideedee,
ma xariir cusub baa?
Afku waa xol-xolkaasoo,
Ilka loo xanafeeyuu,
Xakamaa la dhacaayee,
ma xandaad bir tumaa?
Bacaarka xolkiisiyo,
sanka xiifta ka yeeri
Wiyil loo xanafeeyoo,
Xaryamaaya miyaa?
Hadduu qaylo xakaaraa,
Xaryankeeda dhegaysto,
Dheguhuu xukinaayo,
xawdh la taagay miyaa?
Surka xaafadda weynluu,
Xulkiyaa hojiyaa,
Xaddii weeye dhexaade,
Xakab loola miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo,
waa xayaaba galbeedoo
Waa xareed midabkeede,
Xinni tay ah miyaa?
Dusha xaarad bannanoo,
Xasil loogu fariisto
Xagna looga dhacaynoo,
Xukumaysan miyaa?
Fanku waa xaraf weynoo,
Xawaal weeye korreysee
Gumburkii Xalimeed iyo,
Xaaridheer miyaa?
Qanaantuu xarfinaayoo,
Xiisaddeeda lulaayo
Xin xabbaas ka karaayiyo,
Xusur dheehan miyaa?
Haddaan xeebta ka fuulo,
Ximan reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye,
Xanfar duuli miyaa?
Anna lay xaradhaami,
Asna xerya ballaaran ,
Xariir loogu shubaaye,
Xilka-dhawrsi miyaa?
Haddaan qoofal xigoodaa,
Xaafidaad ugu dhaado
Xurguftuu dhutiyaayo,
Naafo xuurrin miyaa?
Haddii layga xubeero,
Xididdow bixin maayaan
Xabeebtiisa ku raagiye,
Xabbadkayga miyaa?
Xaya waaga salaadda,
Haddaan oodda ka xaydo
Xareedkuu gurxamaayo,
Ma Iiddoor xuja laa?
Haddaan guuro xabiirro,
Xawaadeenka dhacaayuu
Xijaab iiga dhigaaye,
Xuddur awdan miyaa?
Haddaan xuurto baqoollo,
Xor dallaala sideeduu
Xanfigiigga ceshaaye,
Xaaxi layra miyaa?
Xiito meelay ka fooftay,
haddii weerar la xuubsho
Waa xufoo lama gaaree,
Ma dhashii IS-XUL baa?
Hadduu xoolo gelaayo,
Magaan waa xannibaado
Xarraan waa isxiraaye,
Xiddig duusha miyaa?
Taxaabaa ima xiisoo,
Dibna iima xabbaasoo
Horuu ii xorxoraayee,
Ma xayuunta baraa?
Goortuu soo xaryamaayo,
Xayigii daba jooguu
Xalqadeen ku dilaaye,
Ma wad loo xukumaa?
Hadduu soo xallinaayo,
Xiiso aan u qabnaa baan
Loogu xeebanayaaye,
Ma xays noo da’ay baa?
Re: Gabay
Hal xidhaale is a special kind of geeraar that requires instantaneous reply on the spot.Hal xidhaale markasta waa gole-ka-fuul blse geeraar iyo gabaygu qasab ma aha ineey gole-ka-fuul ahaadaan.
Hal xidhaale geerars between Weerar Bulxan and Faarax caytame
WEERAR
Ri' dhashoo waxarteedii
reer dhan caano ku deeqday
bal risaalo ka sheeg ?
FAARAX
Ri' dhashoo waxarteedii
reer dhan caano ku deeqday
Hadii aan ku run ka sheego
asaad been ka rogaasho
Rabbi baan kugu raacshaye
Xilli roob aad sugaysaad
fidhi meel ku ridaayoo
raxmadii ku heshaayoo
habeenay ku raddaayoo
Biqlay soo rogataayoo
laameey raaricisaayoo
Dheelliday ruxruxdaayoo
sabuul gees ka ridaayoo
hadhoow baa la riftaayoo
mooyahaa lagu riiqiyoo
dharigeey ku ritaanoo
intii raad iyo ruux lehba
risiq waa u noqdaa
WEERAR
inta raad iyo ruux leh
lababa waa isku rafiiq e
RAH yeey aano yihiin ?
FAARAX
raadkaa raadka ka weeynoo
ruuxaa ruuxa ka dheer e
ruquf-raaquf dhaqaaqiyo
reeryo qaad xumadiisiyo
Miskihiisan radeeban
rashka gaaban dhurwaageey
RAHA aano yihiin oo
weysku ree DHICISOOW
WEERAR
Faaraxoow soddon reer oo
sac aduunyo ka soofin
oo subagii sidi weeyday
Sifahooda bal sheeg ?
FAARAX
Weeraroow soddon reer oo
sac aduunyo ka soofin oo
subagii sidi weeyday
safar baa la yidhaa
Saa haday noqon weeydana
si-sin baa la yidhaa
Saa haday noqon weeydana
safsadaa la yidhaa
Hal xidhaale geerars between Weerar Bulxan and Faarax caytame
WEERAR
Ri' dhashoo waxarteedii
reer dhan caano ku deeqday
bal risaalo ka sheeg ?
FAARAX
Ri' dhashoo waxarteedii
reer dhan caano ku deeqday
Hadii aan ku run ka sheego
asaad been ka rogaasho
Rabbi baan kugu raacshaye
Xilli roob aad sugaysaad
fidhi meel ku ridaayoo
raxmadii ku heshaayoo
habeenay ku raddaayoo
Biqlay soo rogataayoo
laameey raaricisaayoo
Dheelliday ruxruxdaayoo
sabuul gees ka ridaayoo
hadhoow baa la riftaayoo
mooyahaa lagu riiqiyoo
dharigeey ku ritaanoo
intii raad iyo ruux lehba
risiq waa u noqdaa
WEERAR
inta raad iyo ruux leh
lababa waa isku rafiiq e
RAH yeey aano yihiin ?
FAARAX
raadkaa raadka ka weeynoo
ruuxaa ruuxa ka dheer e
ruquf-raaquf dhaqaaqiyo
reeryo qaad xumadiisiyo
Miskihiisan radeeban
rashka gaaban dhurwaageey
RAHA aano yihiin oo
weysku ree DHICISOOW
WEERAR
Faaraxoow soddon reer oo
sac aduunyo ka soofin
oo subagii sidi weeyday
Sifahooda bal sheeg ?
FAARAX
Weeraroow soddon reer oo
sac aduunyo ka soofin oo
subagii sidi weeyday
safar baa la yidhaa
Saa haday noqon weeydana
si-sin baa la yidhaa
Saa haday noqon weeydana
safsadaa la yidhaa
- LeJusticier
- SomaliNet Super
- Posts: 8463
- Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
- Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka
Re: Gabay
correct, the easy maanso is the jiifto. Typical Hadraawi style
Re: Gabay
Hadrawi-sque jiifto are nowadays flooded all over facebook .it is easy to make and comprehend .I personally wrote a handful of them .
Maanso is a name exclusive to Gabay, Geeraar and Jiifto .Other Suugaan are not grouped as maanso .In other words , all maanso are suugaan but not all suugaan are maanso .
Tix on the other hand refers to all suugaan.The opposite of tix is tiraab (prose).For instances:
tix buraanbur ah
tix gabay ah
tix geeraar ah
tix jiifo ah
tix saar ah
saar, hees, shirib and dhaanto are usually accompanied by dance moves or musical tunes .
Maanso is a name exclusive to Gabay, Geeraar and Jiifto .Other Suugaan are not grouped as maanso .In other words , all maanso are suugaan but not all suugaan are maanso .
Tix on the other hand refers to all suugaan.The opposite of tix is tiraab (prose).For instances:
tix buraanbur ah
tix gabay ah
tix geeraar ah
tix jiifo ah
tix saar ah
saar, hees, shirib and dhaanto are usually accompanied by dance moves or musical tunes .
Re: Gabay
some clueless people rate Hadrawi quite high .To make no mistake, Hadrawi is a legend in his own way (Jiifto iyo great songs) and yes, the man left his mark on the resourceful Somali poetry but then again, he is not on par with the masters of gole-ka-ful poems, the warrior poets of 19th and early 20th centuries .
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1389 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 6 Replies
- 703 Views
-
Last post by quark
-
- 3 Replies
- 438 Views
-
Last post by Looyaan_Junior
-
- 8 Replies
- 1557 Views
-
Last post by Seedyare
-
- 0 Replies
- 478 Views
-
Last post by caburiye1
-
- 1 Replies
- 374 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 3 Replies
- 501 Views
-
Last post by Garaad_LQ
-
- 1 Replies
- 551 Views
-
Last post by Twist
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by Beegsey