CCTV cameras destroyed in Makka Al Mukaramma Rd

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
AbkoowDhiblaawe
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14237
Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
Location: chilling in Liido beach

CCTV cameras destroyed in Makka Al Mukaramma Rd

Post by AbkoowDhiblaawe »

Qaar ka mid ah Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka Muqdisho oo qaraxyo lagu burburiyey



Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga maqlay xilligii Salaada Subax jugta qaraxyo Culus,kaas oo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay siweyn u dareemeen cabsina ku abuurey.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa markii hore ay dadka u maleynayeen in hoobiyeyaal ay kusoo dhacayaan magaalada Muqdisho,hayeeshee markii uu waagii baryey la ogaadey in la qarxiyey qaar kamid ah kaamirooyinka lagu xirey meelo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama.

Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa sheegeen in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey,kuwaas oo gebi ahaan burburey.

Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,hayeeshee aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey,waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: CCTV cameras destroyed in Makka Al Mukaramma Rd

Post by gobdoon »

Cawaan? Nabad did? Argagiixiso mise mooryan
30 sano , Goorma laga bixi
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: CCTV cameras destroyed in Makka Al Mukaramma Rd

Post by bashe19 »

Hawiye ma iyagaa is baabinaya mise cidbaa duulaan ku ah?
Ma waxaad iska dhaadhicineysaan miinoyinka lagu xidhay jidka M.M cidina ma arag?

Ilaahay qoomna ma dulmiyo, ilaa iyagaa dulmiya naftooda.

:dj:
User avatar
Turbulence
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2635
Joined: Thu Sep 25, 2008 3:06 am
Location: I take my time but I always win

Re: CCTV cameras destroyed in Makka Al Mukaramma Rd

Post by Turbulence »

Xamar has too many criminals. It is too big and difficult to manage and the criminal elements are far too powerful there. It can no longer serve as the base of the country's government. They need to find a new base in a smaller more manageable city in the near future. Even Hassan Sheikh came to this conclusion in 2015. I am surprised it hasn't happened yet.

https://moguldom.com/91841/somalias-pre ... ate-egypt/
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”