Cabdirahman Saylici oo u tartamiya gudomiyaha Xisbiga Kulmiye

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Togdeer
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2867
Joined: Tue May 27, 2014 11:43 pm

Cabdirahman Saylici oo u tartamiya gudomiyaha Xisbiga Kulmiye

Post by Togdeer »

Madaxweyne Ku Xigeen Cabdiraxmaan Saylici Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Tuesday April 28, 2020 - 18:24:45

Madaxweyne Ku Xigeen Cabdiraxmaan Saylici Oo Shaaciyey Inuu U Tartamayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye



Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaaciyey inuu u sharaxan yahay xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Jawaab ...

Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa sheegay in marka la gaadho shirweynaha xisbiga Kulmiye uu isku sharaxi doono xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isaga oo ku dooday inuu mudan yahay xilkaas maadaama oo uu aas aasayaashii xisbiga Kulmiye ku jiray.

Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa mar wax laga waydiiyey inuu hunguri kaga jiro xilka gudoomiyaha Kulmiye waxa uu ku jawaabay "Way igu jirtaa sababta oo ah cid iiga xaq badani ma jirto oo aas aasayaashii xisbiga ayaan ka mid ahay”

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay sababta uu haatan ugu soo beegay shaacinta musharaxnimadiisa xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi "Wax shan sano kaa xigto hadaad musharax u noqoto waxaad noqonaysaa nin dagaalkii oo Wajaale ka socda qorigiisa ka sii furay oo rasaasta iskaga dhameeyey Gabiley markaa maxaad la gaadhi aaga dagaalku ka socday.”Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo u waramay Universaltv.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”