Page 1 of 1

Sawiro:- Madaxweyne Qoor qoor oo la kulmay Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin ka soo jeeda Galmudug

Posted: Wed May 13, 2020 3:31 am
by Kees70
Sawiro:- Madaxweyne Qoor qoor oo la kulmay Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin ka soo jeeda Galmudug


Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kulan khadka internetka ah la qaatay siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Galmudug, kuwaas oo kala joogay dalka iyo dibadda.

Madaxweynaha oo ay u buuxsantay 100 maalmood tan iyo markii la doortay, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii koobneed sida arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha xukuumadda, iyo isku keenidda saamileyda Galmudug.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka RAAS ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Agaasimaha Machadka, Dr. Cabdillaahi Xaashi Abiib, Danjire Yusuf – Garaad, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir & danjire Awale Kulane.

Qaar ka mid ah kasoo qeyb galayaashii ayaa suaalo weydiiyay Madaxweynaha, halka qaar kalena ay u jeediyeen talooyin mug leh.

Kulanka oo uu soo xiray madaxweynaha Galmudug ayuu ku dhiirogeliyay in reer Galmudug dowladda isgarab taagaan dal & dibadba.

Image

Image

Re: Sawiro:- Madaxweyne Qoor qoor oo la kulmay Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin ka soo jeeda Galmudug

Posted: Wed May 13, 2020 4:09 am
by IRONm@N
Legit.
If every state stands on its feet and becomes organized Somalia will too