Qoor Qoor oo shaaciyay qorshe ka farxiyay Farmaajo & Go’aanka shirka Xalane

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Kees70
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2193
Joined: Tue Feb 18, 2020 2:40 pm

Qoor Qoor oo shaaciyay qorshe ka farxiyay Farmaajo & Go’aanka shirka Xalane

Post by Kees70 »

Image

Maamulka Galmudug ayaa shaki weyn geliyey shirka Xalane, islamarkaana sheegay inay doonayaan shir ay Soomaalida dhexdeeda is-maamusho, oo ay marti geliyaan dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wax laga weydiiyey hadii ay jiraan shuruudo ay Galmudug ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu wado ay ku yeeshaan xerada Xalane ee beesha caalamku ka degantahay Muqdisho.

Wasiir Falagle oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay qabaan in Soomaalidu ay kaligeed wada-hadasho oo aan loo dhaxeyn, sidaas darteedna ay doonayaan in shirka soo socda ay marti geliso dowladda federaalka ama mid ka mid ah maamul goboleedyada.

“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.

Waxa uu sheegay in xerada Xalane ay Soomaaliya ku taallo, laakiin Galmudug ay dooneyso in shirka looga hadlayo doorashada ay dowaldda federaalku hoggaamiso ama dowlad goboleed kale uu gogosha dhigo.
User avatar
Kees70
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2193
Joined: Tue Feb 18, 2020 2:40 pm

Re: Qoor Qoor oo shaaciyay qorshe ka farxiyay Farmaajo & Go’aanka shirka Xalane

Post by Kees70 »

Latest news is that Qoor Qoor will head to Samareeb if Deni Fails to attend the Conference Farmaajo called for Tomorrow;

Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”