Baqo gelinta,argagax gelinta iyo sida loo bahdilaayo muwaadiniintu waxay abuuraysaa kalsoon darro iyo in laga aamin baxo laamaha amniga, waa in si degdega xukuumaddu uga jawaabtaa gabbood fallada soo noqnoqday ee ah dadka guryaha ay ku xidhaan xubnaha la sheegay in ay ka mid yihiin sirdoonka.
Xaafad kastaa ha hubiso guriga jaarka la ah in ay ku jiraan sirdoonka la sheegayaa, xabsiyada iyo saldhigyada sharciga ah meesha aan ahayni waa budhacdnimo hor leh, guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya, haddi la sii eegtana waxa bilaabmi doonta madax furasho!
Madaxweynuhu waa in aanu dhagaysan fadeexada soo noqnoqtay, dalka isagaa dastuuriyan hoggaamiya qoyskiisu waxay la siman yihiin qoysaska cabanaya ee lagu tacadiyaayo, muddo xileedku waa maalmo tirsan laakin sharafta iyo kalsoonida lagu wada noolyahay waa mid hadhaysa, cibro waa in ay u noqotaa hoggaamiyayashi awooda badnaa halka ubadkoodu mareen markay shacbkooda ciqaabeen !
