Maayar Muraad ayaa sheegay in Muuse Biixi ka codsaday in uu dib isugu soo sharaxo xilka maayarnimo ee degmada Burco balse uu sheegay in aanu diyaar u hayan in uu marlabaad isa soo sharaxo "Madaxweynuhu wuxuu igula taliyey inaan dib isku soo sharaxo, waxaan u sheegay in aanan diyaar u ahayn".
Maayar muraad ayaa kamid ah maayarada Somaliland ee lagu eedeeyo in ay sifo sharci daro ah uqaataan hantida ummada, taasi oo ay ugu dambaysay in lagu eedeeyay Maayar muraad in uu qaatay dhul dawladu leedahay oo ku yaalaha Suuqa Inji ee Magaalada Burco.
Maayarada marlabaad isa soo sharaxay waxaa kamid ah maayarga Magaalada Hargaysa Soltelco, oo shacabka Degmada Hargaysi ay dhaliilo badan ujeediyeen shaqadiisa, taasi oo ay ka markhaati kacayso dayaca ka muuqda Caasimada Somaliland ee Hargaysa.
Muuse Shaani o ceeboobay.
