Cabdi Iidaan narrates how major Sacad muuse clans were annihilated on the battlefield.
Reer Samatarkii boodsanaa, baydihii dhiga e
Barqa jabinnay Reer Nuux hadday, bilic lahaayeene
Iyagana Cismaanada burburay, waa badh kuma taale
Markii bacadka wayn la iska helay, burur Makaahiile
Bawdyaha ka jabe Reer Cabbane, booddadii hore'e
Dadka kale wuxuunbaw baxsaday, baaqina u noole
Waata itaalkii Bah Gobo, biidka loo rogaye
Buur lama tantoomoo gacmahu, waa ku bururaane
Hadaan Boqorku Reer adag ka dhalan, lagama baydheene
Anaa badan, anaa badan, ninkii Bad iyo Daad sheegta
Waxaan nahay buskii laacayiyo, boodhki fuuqsadaye.
.
Banfas, a sacad muse poet, attacked Daarood in several poems but he was completely shunned by Ogadeen poets ; Colaad ,Fakad and Makayte . Disgusted by Banfas's TOOKH and sweeping attacks, Makayte delivered one of the longest poems of the last century and in that poem, there is a section Makayte reminds Banfas how a relatively smaller Arap owned Habarawal on the battlefield.
Aga-gaarka Laanqeyrta saad, ugu unuun beeshay
Aas li’ida maydkii badnaa, taana ma iloowday?
AFYARE iyo SAMAANOO qudhaad, ka anfariirteene
Aroortay balaadh kuu galeen, taana ma iloowday?
Sacad Muuse waa kii irkagay, ee la oofsadaye
Urur-weynta meeshii la dhigay, taana ma iloowday?
Asaraar baqaha waa kaad ,COBOLE aaddeen e
Umadaydun soo magan gasheen, taana ma iloowday?
Afyare iyo Samane waa labo reer oo Arap ah ,waana ragii hilfaha u qaaday Habarawal .
COBOLLE waa magaalo yar oo Makayte reerkoodu dagaaan waana halka uu sacad muuse baqaha orod ku gaadheen iyagoo Dalal guleed ka magan galaya dhamacda iyo rasaasta Arapka
