too much yar yar reaction on Caadle statement
adeeroow abgaal xaa u tarteen sanadkii tagay? waxba soo maaha? maxaa u diideysaan marka in beesha dhexe ee Hiiraan heshiis la galaan waana sida asalka aheed.
Abgaalow Hirshabelle Hawadle u daaya ayagaa sixi kara. iska horkeenka Abgaal iyo Hawaadle khasaaraha ugu weyn adinka ayuu idin gaarsiiyay. Hawadle vision of Hirshabelle will make Hirshabelle like PL meel aan loo soo gali karin laakin adiga maxaa ka faaiidey pro mooge yaryar oo qoorta sakiin kaaga haya? Laandheerad Hirshabelle is louding!
Wasiir Caadle " Beelaha Xawaadle iyo Abgaal weey ku dulman yihiin maamulka Hirshabeelle"
Sabti, Luulyo, 31, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay hanaankii lagu dhisay Hirshabeelle.
Wasiir Caadle ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle dhismahiisii koowaad lagu dhisay or orod ayna ku dulman yihiin Beelaha Xawaadle iyo Abgaal.
Waxuu sheegay in Hirshabeelle caqabadaha ugu waa weyn ay la socon la' dahay ay ka mid tahay beesha Xawaadle oo diidaneyd hanaankii loo maray dhismaha Hirshabeelle markii hore iyo markan dambaba.
"Hirshabeelle Beelaha Xawaadle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 Xildhibaan oo Hirshabeelle ay ka kooban tahay labada beel Xildhibaanada ay ku leeyihiin marka la isku geeyo waa 29 Xildhibaan inta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn Hirshabeelle Abgaal iyo Xawaadle" ayuu yiri Wasiir Caadle.
Wasiir Caadle ayaa intaasi ku daray in Xildhibaanada Hirshabeelle sharci ahaan markii hore ay ka koobnayeen 71 Xildhibaan balse qancin dheeraad ah oo loo sameynayay cidii tabasho muujisaba in Xildhibaanada loo kordhiyo ayay gaartay 99 Xildhibaan oo aysan xamili karin Hirshabeelle.
"Hirshabeelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo maanta leh 12 kursi iyo kuwa laha 3 kursi oo maanta leh 6 kursi, iyadoo Xawaadle iyo Abgaalna wali kurastodii aysan waxba ku kordhin waana taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabeelle" ayuu yiri Wasiir Caadle.
Hadalkan kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa imaanaya xili Hirshabeelle jiritaan keeda ay si weyn uga soo horjeedaan beesha Xawaadle oo muddo sideed bilood ah ka hortaagan inuu Baledweyne tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
"Sadex qodob ayan is leeyahay waa lagu xalin karaa Khilaafka siyaasadeed ee ka jira Maamulka HirShabelle mudada 5-ta sano oo ay dhisan Tahay
Beelaha HirShabelle wada dhistay marka laga hadlaa waxaa ugu waa weyn Beelaha Xawaadle, Abgaal, Gaaljecel, Gugundhabe, Jareer weyne iyo Beelo kale oo Meelaha qaar deggan
Beesha Xawaadle weligeed kuma qancin Dhismaha HirShabelle mar walbana waxey ahayd Beesha kaliya ee Tabasho ka qabtay Howlaha Maamul u saameynta Labada Gobol, Maadaam ay kala Miisaan Culus yihiin balse lalama fahmin duluc-ta ay ka doodayaan oo Beelaha kale ee la deggan Hiiraan ayaa u arkayay Tabashada Beesha Xawaadle fursad ay ku heli karaan Kuraas siyaasadeeda oo badan halka Beesha xawaadle ay ka fakireyso miisaanka uu leeyahay Gobolka Hiiraan inaan si fudud lagu luminin
Sida ay arkayeen Beesha Xawaadle Dhismaha Maamul u saameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
1. In marka hore Hiiraan laga dhigo Laba Gobol, kadibna la dhiso Maamul ka kooban sadex gobol oo kala ah, Hiiraan, Shabeelaha sarre, Shabeelaha dhexe
2. In saami qeybsiga lagu kala badnaado Bacdamaa ay Hiiraan iyo Shabeelaha sare ay yihiin Labba gobol, Lana midoowayaan Gobolka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ah hal gobol
3. In Xildhibaanada HirShabelle lagu kala qeybsado deeggaan iyo Tiro balse aan lagu qeybsanin Nidaamka 4.5
4. In dadka wada deggan 3-da Gobol loo sameeyo dib u Heshiisiin dhab ah
Dhismihii Maamul u saameynta Hiiraan & Shabeelaha Dhexe 2015-2016
Markii ay adkaaday in la xaliyo Tabashada Beesha Xawaadle ayaa waxaa dhacday in horey looga socda Tabashada Beesha xawaadle Lana dhiso Maamulka HirShabeelle, iyadoo lagu dhiso degdeg ah oo boobsiis ah
Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dhisay Maamulka Hiiraan & Shabeelaha dhexe oo ahaa shakhsi aan jecleyn Siyaasada Beesha Xawaadle ayaa sabab u ahaa foolxumadda siyaasadeed iyo is qabqabsiga la xiriira Horusocodka maamulka HirShabelle, Bacdamaa uu boobsiis uu geliyay Dhismihii Maamulka HirShabelle halka Maamulkii uu ka soo Jeeday ee Galmudugna uu dhisay si nabadoon oo awood qeybsigeedu lagu kala sareeyo
Hadaaba maxaa laga dhaxlay dhismaha HirShabelle oo aan ka qeyb ka ahayn Beesha xawaadle
1. In Beelo badan oo aan deggaan Rasmi ah ku ahayn HirShabelle ay heleen Saamiqeybsi aad u farxad geliyay ilaa 42 Xildhibaan ayaa jooga oo aan maanta hal Tuulo aan ku lahayn HirShabelle
2. Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka malahan awoodo badan sababto ah Beelaha ay ka kala dhashteen waxey Barlamaanka ku leeyihiin 29 Mudane, waxeyna ku qasban yihiin iney La Macaamilaan beelaha kale ee heysto aqlabiyadda Barlamaanka oo ah 99 Mudane
3. In Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa aysan qaban Karin wax weyn oo horumar ah, sababto ah Golaha wasiirada Beelaha Xawaadle iyo Abgaal waxey ku leeyihiin 10 Wasiir, Halka 15 Wasiir kalena ay jiraan Beelaha kale
4. In mashriicdii laga joojiyay Meelaha ay ku badan yihiin Beelaha Xawaadle iyo Abgaal
Sidee ayuu xalka noqon karaa si loo helo Maamul Cadaalada ah oo lagu wada qanacsan yahay
1. Hadda Lagama gaari karo in la soo dhiso Barlamaanka Cusub balse waxaa jirta Arrimo badan oo xal noqon kara
2. In 17-ka Xildhibaan ee haweenka ah ee la filayo in lagu daro Barlamaanka Maamulka HirShabelle loo kala qeybiyo Beelaha xawaadle iyo Abgaal
3. In Caasimadda laga dhigo Hiiraan meel ka mid ah
4. In Golaha Wasiirada loo badiyo Beelaha Xawaadle iyo Abgaal
5. In Dhismaha Sadexaad ee Maamulka HirShabelle Lagu saxo qaladadkii dhacay Dhismihii Koowaad ee maamulka HirShabelle, xildhibaanadana loo qeybiyo si ku saleysan deeggaan iyo Tiro
6. In Beesha Xawaadle iyo Beesha Abgaal loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah Bacdamaa ay kala tabanayaan Tabashooyin badan
7. In dib loo bilaawo dhismaha Goleyaasha deggaanka, si iyadana Dhaliilaha meelaha qaar ka jira Loogu saxo
Ugu dambeyn aniga waxaan u arkaa inta aan soo gudbiyay xalalka lagu xalin karo Beelaha wada degga Maamulka HirShabelle"
hadalka caadla waxaa ka horeeyay is adgarad labada beelood oo goodax ka qeybqaatey that why i like goodax he can be tuug corrupt he can be daneyste but he puts beesha interests first.
"Sh shariif brought Goodax and Guudlaawe together markaasuu Goodax dhagaha ka raacey guudlawe saying to him worse than what he said about him in the video he called him reer baadiye oo qaabiilada u isticmaalay beesha hawadle and then shariif saud to him "i told you in Jowhar xawaadle waxaan aheen hiiraan kana shaqeeyaan"
i like a man like that. hada abgaalkii aa leh plsease bring back hawadle let us make coalition and Goodax gave them long list like fixing hirshabelle, and making hawadle and abgaal majority in the parliament."
https://www.somalinet.com/forums/viewto ... 4&start=15