
Ra’isul Wasaare Rooble oo qaaday Taloobooyin culus oo ka dhan ah Mursal, Farmajo iyo saraakiisha NISA
sida aan kasoo xiganay illo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in la diyaariyay Ciidamo badan oo si toos ah uga amar qaata Ra’iisul Wasaare Rooble kuwaas oo loogu tala galay inay la socdaan dhaq -dhaqaayada Xarunta Golaha Shacabka iyo weliba Garoonka Aden Adde .
Ciidanka ayaa amar buuxda lagu siiyay in aysan jiri kirin cid furi karta , amar Shir ku qaban karta xaruntaasi ilaa amar danbe ayadoo loo sameeyay talis gaar ah oo arintaas qaabilsan, Sidoo kale waxaa ayadana loo sameeyay ciidamo kor kala socda howlaha ka socda Aaden Adde gaar ahaan cidda ka baxeeysa iyo cidda kasoo dageeysa.
Mid kamid ah eedesanayaasha kiiska ikraan laguna Magacaabo WADNA QABAD ayaa lasheegay inuu rabay inuu u baxsado dalka dibaddiisa balse markii laga war helay ayaa warqad amar in la xiro ah kana socota generaal Shuute la dhigay garoonka iyadoo la faray inuusan dalka ka dhoofi karin .
Isku soo wada duub waxaa muuqata Ra’ iisul Wasaare Rooble inuu markaan si adag ugu diyaar garoobay ka fal-celinta ficil walba oo ka yimaada dhinaca Madaxweeynihii Hore ee xilka ka dhammaaday Farmaajo .

#BadbaadiyeRooble