BERBARA: THE REAL FACE OF DPWORLDS HORN OF AGRICA PORTS

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

BERBARA: THE REAL FACE OF DPWORLDS HORN OF AGRICA PORTS

Post by bashe19 »

Shirkada DP WORLD Oo Kordhisay Qiimaha Koontiinarka & Dadka Dekedda Galaya Oo Lacag Lagu Soo RogaySunday January 09, 2022 - 21:17:46

Hadhwanaagtv

"Kordhinta Qiimaha lagu dejiyo Alaabta oo sababtay in cabasho laga"

Berbera (HWN) – Dhibaato ayaa ka taagan Dekedda Berbera, ka dib markii Shirkadda Maamusha Dekeddu ay kordhisay Qiimaha Dejinta Alaabooyinka Dekedda ay Maraakiibta iyo Doonyuhu keenaan.

 

Shirkadda DP WORLD oo Maamusha Dekedda, ayaa lacag ku dhow kala-badh ku kordhisay Qiimihii lagu dejin jiray alaabooyinka Dekedda ay keenaan Maraakiibtu, halka Dadka Dekedda galaya lagu soo rogay lacag dhan 2 dollar, arrintaasi oo ah wax cusub.

 

Sidaana waxa sheegay Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Golaha Guurtida oo kormeer ku soo maray Dekedda Berbera, waxaanu yidhi "Koontiinarka 20 fiit ah wuxuu ahaan jiray (oo lagu dejin jiray) 320 dollar, halka ay imika ka dhigeen 482 dollar, farqiga u dhexeeya waa 162 dollar, qodobka labaad kontiinarka 40 fiit wuxuu markii hore ahaa 650 dollar, halkay imika ay ka dhigeen 859 dollar, farqiga u dhexeeya intay ku dhigeen waa 209 dollar, alaabta ku iman jirtay koontiinar halkii tanba waxay ahaan jirtay 10.5 dollar, halkay imika ka dhigeen 15 dollar, taaba waxaa ka sii daran qof walba oo galaya (Dekedda) haddii ay fara cad tahay iyo haddii ay qof kale oo miskiin ah oo meesha tagayba ama mid xamaal tagayba, waxay yidhaahdeen qof kasta oo galaya laba dollar ayaa laga qaadayaa”.

 

Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland "Mudane Madaxweyne, qaabkaas ayaa meesha ka jira Shirkaddii waxay damacday inay dadkii cadaadis weyn ku saarto dekeddii, DP World waxaan leeyahay waad u soo shaqo tagteen wixii ay Somaliland ka qaadan jirtay idinka ayaa qaata, hantidii aanu arki weynay ee aanu ku dhisan kari weynay ayaad qaadateen oo aad ku dhisateen meesha, ee dadka ay abaaraha iyo Covid_19 ku dhacay ka daaya sicir-bararka iyo waxan aad ku kicinaysaan oo ILLAAHAY ka baqa, dawladdana waxaan leeyahay nimankani meesha dhib aad u weyn bay ku hayaan ee waxaan soo jeedin lahaa Mudane Madaxweyne meeshan cid walba oo ku shaqo lehiba iyo Wasiirka Ganacsigaba, inaad ka war haysaan meeshan ayaa loo baahan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhibaato ka taagan tahay Dekedda isla-markaana muddo 7 Maalmood ah ay xidhan tahay Dekeddu, maaddaama oo Ganacsatadii Alaabtu ka taallay ka maagayaan inay alaabtooda la soo baxaan "Maanta (Shalay) ayaa u todoba u ah oo Dekeddu xidhan tahay, khasaare inteed leeg baa Somaliland ugu jira..”

 

Shirkadda DP WORLD ayaa Lacag kiro ah ka qaadda Alaabta laga soo dejiyo Dekedda Berbera, halka Cashuurta alaabtaasna ay qaabilsan tahay Wasaaradda Maaliyaddu.

     

RELATED

January 10, 2022 - 12:00Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo furay Shirka Maayareda Maamul-daadejinta oo lagu Qabtay Caasimada Djibouti

January 10, 2022 - 11:19Wasiirka Caaafimaadka oo Xadhigga ka jaray Qaybo cusub oo lagu kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa

January 09, 2022 - 18:52DAAWO Boqor Buur Madow "Siyaasiyiin isu muuqda Dalka laguma halayn karo ee dhaqanku doorkoodu ha qaato"

January 09, 2022 - 08:24Booliska Burco Oo Baabuurta Ka Ururinaya Sameecadaha Heesaha Lagu Dhagaysto

January 08, 2022 - 19:53DAAWO: Rooble oo Tanaasulaya, Shirkii oo Dhamaad ku dhaw, Dagaalka Farmaajo Iyo Rooble. Lacagta EUA

January 08, 2022 - 14:25Cilmi Baadhis Caddaysay In Qalabka Wax Lagu Dhegaystaa Ay Keento Dhego La'aan

January 08, 2022 - 10:03DAAWO: Gabay Kulankii Habarjeclo & Ciro Looga Tiriyay Muuse Biixi

January 08, 2022 - 09:00Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ee Ka Socda Muqdisho Oo Maalintii 5-Aad Galaya

January 08, 2022 - 08:54Farmaajo Oo Amray In Aan La Bixin Karin Lacagtii Imaaraadka Lagala Wareegay Sanadkii 2018

Loading...

Copyright © 2002 - 2022 Hadhwanaag Media Network All Rights Reserved.

Site Designed & Developed by ILEYS INC.

:lost:
User avatar
paperino
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4028
Joined: Fri Mar 10, 2017 4:10 pm

Re: BERBARA: THE REAL FACE OF DPWORLDS HORN OF AGRICA PORTS

Post by paperino »

Reer Waqooyis should do what Djibouti did; expel DP World.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: BERBARA: THE REAL FACE OF DPWORLDS HORN OF AGRICA PORTS

Post by original dervish »

The rest of the world, Africans, Arabs, Asians look at Somalia with astonishment. The country is in a geostrategic location, longest coastline, resources onshore offshore, two rivers, fertile River valleys, small population and yet our people are starving and dying of thirst in 2022.
User avatar
TarTar
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1555
Joined: Sat Feb 08, 2020 10:37 pm

Re: BERBARA: THE REAL FACE OF DPWORLDS HORN OF AGRICA PORTS

Post by TarTar »

DP world. trust but verify everyting they say. i trust Sland administration do their due diligence. Somaliland Republic ain't run by ex pirates. unlike tha pirateland province of Somalia Federal Republic. even tha slaves of Abiy in Cagderland would rather deal wit Berbera than Bosaso
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”