Warning: Dubai, AbuDubai are very very danger of huge EXBOLOSSIONS from Nord Yemen so Fo not travel to Emarates.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Warning: Dubai, AbuDubai are very very danger of huge EXBOLOSSIONS from Nord Yemen so Fo not travel to Emarates.

Post by bashe19 »

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weeraradii xooganaa ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday illaa saddex qof, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Dadka dhintay sidoo kale laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu ka soo jeedo waddanka Pakistan.

:lost:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”