Emarates is back in to Somalia,so assasination of somali intelectuals is back too

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Emarates is back in to Somalia,so assasination of somali intelectuals is back too

Post by bashe19 »

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Sii Sii ee degmadaas ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Genaral Cabdullahi Xusen Warsame (Waran) wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo la socday Mooto Fekon, waxaana la sheegay in toogashada kadib ay goobta isaga baxsadeen.


Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal

:dj:


ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho.


Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, iyaguna waxay culeyska soo saareen caasimadda dalka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”