maadama aysan jirin Dawlad dhexe oo isku heesa dhaqaalihii Farmaajana daaqada ka baxay waxay isku dirireen canshuurtii!
Shirarka aad maqleysaan waa siyaasiyiin raba inay isku soo saaraan ama kamacaashaan si ay uga mid noqdaan golaha wasiirada JL iyo federalka

Ciidamada Gedo oo meelo badan ka soo kala jeeda waxay gacanta ugu jiraan Dawlada federalka waxaa loo dirayaa sadex wasiir oo kaka ah wasiirka Gaashaandhiga oo ciidanada hoostagaan, wasiirka Amniga oo ka soo jeeda Gedo hoostagaaba laamaha aminga iyo wasiirka Garsoorka ama dastuurka Hassan Macalin. Maxaa wasiirka dastuurka loogu dirayaa Gedo? waa la socotaan arinta suuqa ku jirta in Gedo la kala qeybsanayo waxaan aaminsanahay in Maamulka Madoobe la hoos geyn doono Gedo shirka dibuheshiisiinta Reer Gedo kadib laakin waa arin Qaanuuniyada iyo maqaamka Gedo ku lug leh. Beesha Ogaadeen oo markaan isticmaaleysa awooda federalka ayaa rabaan inay labada Jubo goostaan ooy ku xiraan Gaarisa iyo Kenya si Al Shabaab kadib beesha Mx iyo ayaga mar kale ugu dagaalamin JL waxaa loo sameynayaa xuduud dastuuri ah waliba waxaa u sharaxan hogaanka JL Xamze oo Gedo hada meel iska dhigaya saa darteed wasiirka dastuurka ayuu u xilsaarey arinteeda halkii loo xilsaari lahaa wasiirka Gudaha!!
arintaan waxaad ku ogaan doontaan Kulan golaha wasiirada oo dhici doona oo sadexdaas wasiir loo dirayo Gedo kadibna waxaa booqanaya PM xamza bal car kaalaya u diida waxaa ka sii horeeya wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidamada!!
Maamulada Doolow iyo luuq oo ka hoos baxay Gudoomiyaha Gedo
Update: Khilaaf ayaa soo kala dhexglay Guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed iyo Taliyaha Nabadsugida Gedo Bakaal Kooke, Canjeex iyo wefdigiisa ayaa manta isku dayay inay ka baxaan Garbahaarrey iyagoo ku sii jeedo Dolow balse diyaaradii qaadi lahayd ayuu Bakaal amar ku bixiyay inaysan soo qaadi karin waxaana sidaasi ku baaqday safar Gudoomiyaha gobalka Gedo.
Axmed Buule Gareed ayaa markii laga baajiyay safarka waxaa uu waraaq uwada diray Guddomiyaasha degmoyinka kuwaas oo ku amray inay umadax bananyihin canshuurta Gadiidka iyo Dulimaayada taas oo ay kala qaadan jireen Maamulka Gobalka iyo Taliska Nabadsugida.
Sida aan horey u baahiyay waxaa shir Jara'id oo uu arinkaasi ku faah-faahinayp qabtay Gudoomiyaha Luuq Ali kadiye.