Axmaq madhoobe o tacadi iyo xarig u geystey Ugasyada iyo Caaqilada Majiirten waamo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Axmaq madhoobe o tacadi iyo xarig u geystey Ugasyada iyo Caaqilada Majiirten waamo

Post by bashe19 »

Odayaal dhaqameed caan ah oo labo toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo


-

November 26, 2022

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa muddo labo toddobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi.

Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad.

Nabadoon ku sugan Kismaayo oo la hadlay warbaahinta gudaha, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la xusin sababo amni awgeed ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku gacan seyray ergo ay ka galeen odayaal dhaqameedka xiran.


:dj:
User avatar
ReturnOfMariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7771
Joined: Tue Apr 14, 2015 8:14 pm

Re: Axmaq madhoobe o tacadi iyo xarig u geystey Ugasyada iyo Caaqilada Majiirten waamo

Post by ReturnOfMariixmaan »

All the dhaqan of Jubaland are invited to Garbaharey with sharaf and karaamo. Ugaas Baqow is the premier head of Harti Waamo. Why you think Ugaas Yarow left? That’s why Jubaland is divided. No respect for dhaqan and nidaam. Imagine if there was. A powerful state alongside SouthWest as a buffer against the capital. The Kenyan project has failed.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”