SSC- Khaatuma oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya in aysan dhex dhexaad ka noqon dhibaatada lagu hayo shacabka SSC
facebook sharing button Sharetwitter sharing button Tweetlinkedin sharing button Sharemessenger sharing button Sharewhatsapp sharing buttonemail sharing button
Arbaco, Luulyo, 5, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimada SSC- Khaatuma ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn inay caddayso mowqifkeeda ku aadan dhibaatada lagu hayo shacabk reer SSC.
Garaad Jaamac oo laga wareystay arrimaha Laascaanood ka socda, ayaa sheegay Dowladda federalku inay u dhaqmayso mid labada dhinacba dhex dhexaad u ah oo ay wada raali galiso, sidoo kalena aysan sheegin cidda qaladka iska leh.
“Waxaanu leennahay Dowladda Soomaaliya hakusoo dhowaato caddaalada. Waxaannu leenahay haddaanu qaldanahay dowladdu ha tiraahdo kala go’aa raali ka nahay, idinkaa qaldane ka guura Laascaanood ama ku biira Somaliland. Haddiise Somaliland qaldan tahay, ha yiraahdaan dadkan iyo goboladan dhulkooda uga baxo,” ayuu yiri garaad Jaamac.
Garaadka wuxuu sheegay sida ay hadda u dhaqmayso Dowladda Soomaaliya inay sii fogeynayso xaaladda, islamarkaana ay cid walba isku arkayso inay iyadu saxan tahay.
Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in Dowladda federalka ay Somaliland ku raali galiso xaq aysan lahayn. wuxuu tilmaamay in aanay jirin dhul iyo gobolo ay ku murasan yihiin, balse cidda dhulkeeda duullaanka lagu yahay ay iyaga yihiin.
Why do the Qurjiiles expect the Hutus to support them they are crying Hutuus support us
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 942 Views
-
Last post by WadaniggaBarakaysan
-
- 39 Replies
- 1676 Views
-
Last post by Cisse Westlake
-
- 24 Replies
- 1634 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 2 Replies
- 621 Views
-
Last post by Netanel
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by BarreLoyalist0
-
- 24 Replies
- 1182 Views
-
Last post by Baller69
-
- 14 Replies
- 986 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 3 Replies
- 351 Views
-
Last post by BARIIS&BASTOO_BOY
-
- 16 Replies
- 688 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 111 Replies
- 4447 Views
-
Last post by Cawar